Gudaha Ka Eeg :Turkiga Oo Xusayaa Sannad-Guuradii Kowaad Ee Af-Gambigii Fashilmay .

Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.

15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.

Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto ayaa shaqada kaga Eriday in ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno.

Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fetxullaah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.

Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga eryay .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso