Gudaha Ka Eeg :Machadka Barashada Shareecada Islaamka Ee Imaamu Bukhaari Oo Dufcadii Shanaaad Ee Ka Qalin-Jabisa Machadkaasi Xaflad Ugu Qabtay Hargaysa+ Sawiro

Machadka Barashada Shareecada Islaamka Ee Imaamu Bukhaari ayaa maanta xaflad u qabtay Dufcadii shanaad ee ka qalin-jabisaa Mac-hadkaasi .

Waxaana xafladdani ay ka dhacday Kaah Hotel Ee Hargaysa, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Dib u Dajinta Somaliland, Culimo, Madax Dhaqameed, Waalidiinta Ardayda, iyo Marti sharaf kale .

Sheekh Barbaraawi oo halkaasi ka hadlay ayaa ilaahay ka baryaay in uu ka abaal-mariyo dadaalka uu machadkani galiyay faafinta iyo barashada Cilmiga Shareecada islaamka .

Maaaulaha Machadka imaamu Bukhaari Axmed Maxamed Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu  ardayda ku booriyay in ay aqoontooda ay halkaasi ka sii wadaan .

“ Waxaa weeye machadkii hadaa ka tagteen, Waar cilmigii iyo diintii kamaydaan tagin, Rag iyo dumarba, Waa in cagta waddada ku haysaan, ilaa aad gaadhayso heer aad mahadiso oo aad u heer-sareeyaa, Waayo dadkii lonooga sheekeeyay samir ayay ku gaadheen Cilmiga noocan oo kale ah, Waxaan iclaaminaynaa in aanu qaadanayno arday cusub …,” ayuu Yidhi Maamulaha Machadka Imaamu Bukhaari Axmed Maxamed Ibraahim  .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madax Dhaqamed iyo walidiin kuwaas oo bogaadiyay Ardayda qalin-jabisay .

Wasiirka Dib u dajinta Mudane Cali Siciid Raygal oo soo gunaanaday Xafladaasi ayaa ku dheeraaday Cilmiga Diinta iyo qiimaha uu leeyhay, Waxaanu ardayda qalin-jabisay u sheegay in Cilmigu aanu dhamaaneen .

Ugu Danbayn Wasiirku waxaa uu Shahaado-sharaf Gudoonsiiyay Ardaydii Dhamaysatay Machadkaasi Imaamu Bukhaari .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso