Madaxweyne ku xigeenka iyo Wafti uu hogaaminayo oo kormeer hawleed ku soo maray Degmooyinka Sallaxley Iyo Baligubadle

Madaxwayne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha Qaranka iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayey ayaa maanta (11.07.2017) kormeer hawleed ku tagay Degmada Sallaxley iyo Magaalomadaxda Gobolka Hawd (Balligubadle) iyo deegaanada hoos yimaada.

 

Sallaxley(THN)Ujeedada kormeerka Madaxwayne ku-xigeenka ayaa waxay daarnayd u kuurgal iyo xogogaal u noqoshada qaabka ay deegaanadaasi uga socdaan hawlaha qaybinta kaadhka doorashooyinka iyo arrimaha u  baahan wax ka qabasho. Deegaanada uu Madaxwayne ku-xigeenku kormeerka ku maray waxa ka mid ahaa Degmooyinka Salaxlay, Kaam Tuug,  Balligubadle, Gunburaha iyo deegaano kale oo hoos yimaada Demagaalooyinkaasi.

 

Waftiga uu hogaaminaayey Madaxwayne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiiro, Afhayeenka Madaxtooyada JSL , Wasiir ku-xigeeno, Madaxda heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye, Badhasaabada Gobolka M/jeex iyo Hawd iyo Agaasimayaal  kuwaasoo dhamaantood shacab weynaha ku dhaqan deegaanadaasi si mug leh ugu wacyi geliyay sidii ay xil iskaga saari lahaayeen qaadashada kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyada.

 

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulsho weynta ku dhaqan deegaanadaasi uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha leh ee ay ku maamuuseen isagoo dhanka kalena si weyn ugu wacyi geliyay inay qaataan kaadhka codbixinta waxaanu yidhi madaxwayneku-xigeenku “Aad baan idiinkaga mahad celinaynaa sida qiimaha leh ee aad noosoo dhawayseen iyadoo ay wakhti danbe tahay, waxaan degaanadan aan u imi waa arrin kaliya oo ah sidii aad u qaadan lahaydeen kaadhka codbixinta doorashada oo xaq kuu siinaya inaad doorato qofka aad la jeceshahay inuu dalka hogaamiyo, olole umaanaan iman waxaan idinku boorinayaa inaad hogaaminta dalkiina wax ku lahaataan oo aad qaadataan kaadhka oo aydaan iska qoomamayn biri ka maalin”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

 

Sidoo kale Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kulan balaadhan la qaatay waxgaradk

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

a iyo haldoorka reer Baligubadle kulankan oo ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hsdlayeen horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Hawd. Madaxwayne ku-xigeenka ayaa balan qaaday in Xukuumad ahaan aanay waxba ka hagran doonin wax kasta oo ka qayb qaadanaya horumarka bulshada degaanadii uu booqashada ku tagay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso