Gudaha Ka Eeg :Suxufi Cumar Seerbiya Oo Dib U Helay Xorriyadiisi .

Suxufi cumar cali xasan (Seerbiya) oo maalmihii u danbeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargaysa ayaa Dib u helay Xorriyadiisi .

Suxufigan ayaa Ciidanka Police-ku xidheen, Isagoo ka soo dagay Madaarka Hargaysa, iyadoo Xaaskiisuna ay la socotay .

Waxaanu Suxufigani mudooyinkii u danbeeyay uu ka hawl-galayay Magaalada Muqdisho Ee Somalia .

Ilaa Hadda Xukuumaddu faahfaahin kamay bixin xadhiga Suxufigani, Balse taa baddalkeeda waxay Suxufigan u soo celisay Xorriyadiisi .

Suxufigan oo markii uu helay Xorriyadiisa u waramay Qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa u sheegay in Ciidanku ay si fiican ula dhaqmeen, Balse muu bixin Faahfaahin ku saabsan Xadhigiisa iyo halka uu salka ku hayyo .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso