Gudaha Ka Eeg :Guddoomiye Cirro oo Soo Kormeeray Qaabka ay Kaadh Qaadashada Diiwaan-gelinta Codbixintu uga Socoto Goobaha Burco

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa kormeer ku soo maray goobaha diiwaan-gelinta magaalada Burco ee ay maanta sida rasmiga ah uga bilaabmantay qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada Somaliland.

Kormeerkan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen hoggaamiyaha Xisbigaasi Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, madaxda heer gobal ee xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabba dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale xildhibbaano iyo siyaasiyiin aad u tira badan, ku waasi oo goob goob u tagay una soo kormeeray qaabka ay u socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlaayey dadkii qaadanayey kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta sida oo kale na fariin u direy guud ahaan shacbaka Somaliland, ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda uu lee yahay kaadhkan diiwaan-gelintu isaga oo xusay in kaadhkaasi uu wax badan ka tari doono mustaqbalkooda nololeed isla mar ahaantaana loo baahan yahay in ay gebi ahaan ba qaataan kaadhkaasi.

“Dadka waxa aanu ku boorinaynaa in ay kaadhadhka qaataan mid miyi jooga iyo mid magaalo jooga ba, arrinta diiwaan-gelintu na arrin siyaasaddeed maaha oo waa arrin aanu maanta ku wacyi-gelinayno in ay bulshadu qaataan kaadhka, markaa qof kasta oo muwaadin ah waxa aanu lee nahay waa in uu qaataa kaadhka si uu u guto waajibaadkiisa waxa uu xaqqa u lee yahay, kaadhkana adiga ayuu muhiim kuu yahay, wuxu muhiim u yahay Doorashada, wuxu sida oo kale muhiim u yahay dalka, qof walowna kaadhka qaado.”Hoggaamiya Xirsi Cali Xaaji Xasan

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna sida oo kale halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:

“Maanta maaha maalin olole, maaha maalin Kaambeyn, waa maalin wacyi-gelineed gaar ahaan goballada ay ka bilaabantay bixinta kaadhadhka codbixintu oo ah gobalka Togdheer ee aynu joogno iyo gobalka Maroodi-jeex ee caasimadda Somaliland, waa labadii gobal ee ugu ballaadhnaa ugu na dadka badnaa, markaa shacabka labadaas gobal waxa aan ugu baaqeynaa in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelint intoodii isdiiwaan-gelisay markii hore, wakhtigu na waa qaali, markaa waxa loo baahan yahay in wakhtiga laga faa’ideysto oo saacadda laga faa’ideysto, maanta waxa aanu soo marnay goobo badan oo ay si fiican uga socoto hawsha kaadh qaadashadu, se hada na dadka aad baanu ugu sii boorinaynaa in ay intaas ka sii laban labaan.”.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso