Gudaha Ka Eeg :Guddida Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka Iyo Maamulka Ciidanka Dab-Demiska Oo Kulan Wada Yeeshay.

Guddida Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka[ Board Of Committee ]  Iyo Maamulka Ciidanka Dab-demiska Oo Kulan Wada Yeeshay, kulankaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Badi Xubnaha Guddida Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka iyo Maamulka Gacanta ku haya Ciidanka Dab-demiska Qaranka.

Ugu horayn waxaa halkaa warbixin dheer guddida ka siiyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo sheegay waxyaabaha muddadaa Afarta Sanno ah ee ciidanku jiray iyo waxyaabaha u qabsoomay iyadoo ay tahay horumar qayral Caadiya ciidanku ku socday waxaana wax la taaban karo ah gaar ahaan wakhtiga kooban ee Ciidanka Dab-demisku ku gaadho markuu uu samaynayo Gurmadka Deg dega ah iyadoo lagu gaadho wax ka yar Saddex Daqiiqadood.

 

Dhanka kale waxaa Taliyaha Ciidanka Dab-demisku sharax kooban ka bixiyay horumarka dhanka Maamulka ee Ciidanka Dab-demisku ka gaadhay iyadoo la ballaadhiyay ciidanka gaar ahaan Gobolada iyo Degmooyinka imikana Tababarkii Ciidanku u socodo Magaalooyinka Burco iyo Wajaale Halka Boorama oo sannadkan qorshaha ku jirtay iyagana Tababarku u bilaabmi doono. sidoo kale waxaa iyagana laba degmo oo ka tirsan Caasimada Hargeysa laga aasaasi doonaa Ciidan Dab-demis oo u gaara, maadaama Caasimada Hargeysa ay ballaadhatay isla markaana u baahantahay in lagu fido degmooyinka iyo xaafadaha si loo dhimaystiro baahida loo qabo dabdemis ku filnaada Caasimada.

 

Taliye Sawaaxili ayaa ka warramay Caqabadaha Muddada uu ciidanku jiray uu la kulmay isagoo taliyuhu sheegay in badi caqabadahaas Ciidanku kala kulmo Dadweyanaha adeega loo fidinayo oo sameeya marka dab ku dhaco inay aad ugu soo xoomaan dhibaatana ay noqoto halkii loo mari lahaa daminta dabka, iyadoo dhinaca kalena ay dhacdo mararka qaar in waxyeelo la soo gaadhsiiyo Ciidanka gaar ahaan dhacdadii u dambaysay ee ka dhacday xaafada Istaad Hawska ee magaalada Hargeysa oo Ciidan Tobaneeyo gaadhaya lagu soo waxyeeleeyay.

Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Dabdemiska ayaa iyaguna ka warramay marxalidihii Ciidanka Dab-demisku soo maray, waxa uu qabtay iyo waxyaabaha u qorshaysan ee ay tahay in la qabto si dabdemisku u gaadho yoolka iyo hiigsiga uu leeyahay ee ah in dhamaan Jamhuuriyada Somaliland la helo Dab-demis ku filan. waxaana sidoo kale ay sheegeen in xukuumada haatan joogtaa iyo Maayorka Caasimada Hargeysa ay Ciidanka Dab-demiska waxbadan la qabteen markastabana ay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin. laa’aantood aanay waxbadan oo maanta Ciidanka Dab-demiska u qabsoomay aanay qabsoomayn.

 

Gababadii waxaa halkaa ka hadlay Xubno ka mida guddida Sare Ee Ciidanka Dab-demiska oo u mahadnaqay waxqabadka wanaagsan ee Ciidanka Dabdemisku ku tallaabsaday mudddada kooban iyada hanaanka wanaagsan ee maamulka ciidanka dabdemisku u Hagayaan Ciidanka Dab-demiska. waxaanay guddidu sheegeen inay waxyaabaha ka dhiman iyo sidoo kale caqabadaha jira xal loo heli doono isla markaana ay la kaashan doonaan Haayadaha ay khusayso, Horumarka ciidanka dabdemisku hiigsanayana la gaadhi doono mustaqbalka dhaw.

 

Xubnaha Guddida sare ee kulankan ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Gudoomiye: Xaaji Aadan Axmed Diirey [ Aadan Baradho ].
  2. Gudoomiye Xigeen : Sheekh Xasan Cabdi Salaan

3.Suldaan Axmed Daahir Xaaji Muuse

4.Ganacsade Maxamed Shukri Jaamac

  1. Sheekh Maxamed Aadan Muxumed

6.Ex Wasiir Cabdilaahi Ismaaciil Cali [ Cirro].​

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso