Daawo: Buundadani Waa Ta u dhaxaysa Xamaas iyo Derigodle In isu socdka Wadado Go’o waxaa ka hadhsan inta halkaas mitir go’aayo.Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ka seexatay Shaqadeedii

Daawo: Buundadani Waa Ta u dhaxaysa Xamaas iyo Derigodle In isu socdka Wadado Go’o waxaa ka hadhsan in ay halkaas mitir go’aayo.

Mar Aan wax ka waydiiyey dadka Deegaankaasi Waxa ay noo sheegeen in Wasaarada Hawlaha Guud iyo Wasiir Cali Mareexaan Uu Maalin kasta maro meesha lakiin se aanay u muuqan in uu  wax ka qabto Buundadan oo Hadii ay go´do ay Guud ahaanba Xanibaad ku keenayso isusocdka Magaalooyinka Waaweyn.

Buundadan u dhaxaysa Xamaas iyo Derigodle ayaa Sida aad sawirka ku aragtaan waxaa dumay oo Go day Intii badnayd Ee buundada taas oo ay u hadhsantahay in ka yara wax uu baabuur maro hadii laga soo gaadhi waayona ay inta hadhay degi doonto.

Wasiirka Hawlaha Guud ayaa Baryahan Dambe ku mashquulsan Wax yaalo kale oo ah dano gaar ah taas oo la sheegayo in maadama ay wax yar ka hadhasantahay muddo xileedkoodii in uu isaga iyo Wasiiro kale oo ay koox  hawlo kale uu u gaar ah oo wax ka taraayo mustaqbalka hadii xilka ay ka tagaan.

 

Warqabadka togaherer

Berbera

Advertisement

Ku Xayeysiiso