Gudaha Ka Eeg :Gudoomiye Muuse Biixi Oo Dhaliilo Culus Huwiyey Golaha Wakiillada Ee Uu Guddoomiye Cirro Hoggaamiyaha U Yahay .

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka golaha wakiillada Somaliland ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxana uu shaaca ka qaaday in golahaasi ku guul-darraysteen inay umadda wax la taaban karo u qabtaan muddo 12-sano ah oo uu gadh-wadeen u ahaa.
Guddoomiye Muuse Biixi oo maanta ka hadlay madal lagu daah-furay bixinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha gobolka Togdheer, ayaa si faahfaahsan bulshada ugu sharraxay sida ay golaha wakiillada ee Cabdiraxmaan Cirro hoggaamiyaha u yahay uga gaabiyeen waajibaadkii qaran ee loo doortay ee ay umadda ugu rideen niyad jabka.
Waxa uu guddoomiyuhu is barbar-dhig ku sameeyey goleyaasha xukuumadda iyo Baarlamaanka, waxana uu xusay inay wakiilladu yihiin gole awood badan la siiyey oo xataa xukuumadda ka awood sarreeya, bal aan waajibaadkoodii kasoo bixin, “Dawladdu waxa ay ka kooban tahay laba qaybood oo kala ah xukuumadda oo uu madaxweynuhu Oday u yahay iyo golaha wakiillada oo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wakiil u ah, cidda aynu ka rabno hawsha maanta taagan, ta Berri iyo maalin walbana waa iyaga, labadana waxa awoodda weyn leh wakiillada,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu intaas ku daray oo qeexay shaqooyinka baaqday ee waajibka ku ahaa golaha wakiillada, kuwaas oo ay safka hore kaga jiraan xeerarka uu dalku baahida badan u qabo, waxana uu yidhi“Baarlamaanka waxa laga rabaa inay dejiyaan siyaasaddii iyo xeerarkii lagaga bixi lahaa fakhriga, maantana waxa aynu arkaynaa oo weli horyaalla xeerkii dadka maalka haya iyo kuwa aqoonta leh isku geyn lahaa oo lacagu wareegto si uu qaranku ugu hore ugu maro, haddii lacagtiina meel fadhiisato oo ninkii lahaa qasnad ku xidho kii aqoonta lahaana qaranku hore u mari maayo baryona ka bixi maayo.”
Waxa uu guddoomiyuhu hadalkiisa sii raaciyey, “Maanta Baarlamaanka iyo guddoomiyahooda oo murrashax ah waxan ku dhaliilayaa inaanay samaynin xeerkii lacagta iyo dadkaas aqoonta leh isku geyn lahaa, xukuumadduna inay ku daba joogto bay ahayd oo ay tidhaahdo maxaad waxan u dhaqaajin weydeen.”
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inaanay golaha wakiilladu muddadii dheerayd ee kuraasida ku fadhiyeen fulinin wixii laga filayey ee waajibka ku ahaa iyo wax u dhaw midna, waxana uu yidhi, “Baarlamaanku xukuumadda wuu ka adag yahay oo isaga ayaa ka awood badan, maantana Baarlamaanku wax way qabteen oo ma wada dafirayno, laakiin hawshii aynu ka rabnay 12-sano ee ay fadhiyeen boqolkiiba toban(10%) kamay qabanin.”
Farriin dhaxalgal ah ayuu guddoomiyuhu u diray muwaadiniinta qaadanaya kaadhadhkii ay kaga qayb qaadan lahaayeen doorashada madaxtinimada ee soo socota, waxana uu kula dardaarmay inay muwaadiniintu codkooda ku go’aamiyaan ciddii horumarka dalka wax ka tari lahayd, “Muwaadinka codaynaya waxa laga rabaa kaadhka uu maanta qaadanayaa inuu dhibaatooyinka jira saxo, mana ah inuu qaato inuu qof si uun wax ugu sheegay ugu rido, laakiin codkaagu waa inuu keenaa Baarlamaan hawshiisa qabsanaya oo uu keeno Somaliland oo wax isku darsata oo kala qoqobka iyo xaafad xaafadda ka baxdo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi,
Waxa uu guddoomiyuhu intaas ku daray, “Codkaagu maanta waa inuu ka taliyaa sidii shaqo la’aanta dalka haysata looga bixi lahaa, umadaha adduunka oo dhammina ma laha dal aan shaqo la’aan iyo dhibaatooyinka aynu soo marnay iyo kuwo ka liita soo marini, laakiin dadku iyagaa inta ay fikiraan dhibaatooyinka ka wada baxa, shaqo la’aanteenana way dhab yar tahay sida looga baxaa.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso