Gudaha Ka Eeg :Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland Iyo Badhasaabka Gobolka Hawd Oo Ka Qayb Galey Furitaanka Mashruuc Lagu Caawinayo Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen .

Wasiirka Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland oo ay Weheliyaan Badhasaabka Gobolka Hawd .Maayorka Degmada Bali-gubadle Xildhibaano Saraakiil ka Socday Hay”adaha  Action Aid iyo All-khayr Fund.iyo Ururka Wadaniga ah ee Sowda Alla-Aamin ayaa ka maanta magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd kaga Qayb galey Furitaanka Mashruuc lagu Caawinayo Bulshada ay Abaaruhu Saameeyeen ee ku dhaqan Gobolka Hawd.

Mashruucan ayaa Socondoona Mudo Lix Bilooda waxaana Maalgalinta Mushruuacan iska Kaashaday  Hay”ada Action Aid iyo All-khayr Fun.waxaana Fulinaya Ururka Wadaniga ah ee Sowda Alla-Aamin

Waxaanay maanta  Hay”adaha Action Aid iyo Allkhayr Fund.iyo Ururka Sowda Allah Aamin ay Deeq raashina iyo Agab kale ay gaadhsiiyeen 90 Qoys oo ka mida Bulshada ku dhaqan magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso