Somaliland Waxa gumaystay Ingiriis Xoriyaddana waxay ka qaadatay 26 June 1960 Somalia waxaa gumaystay Talyaani Xoriyaddana waxay qaateen First July1960

Somaliland waxaa gumaystay Ingiriis Xoriyaddana waxay qaadatay 26 June 1960 Somalia waxaa gumaystay Talyani Xoriyaddana waxay Qaateen Firts July 1960, 

Isku gumayste Maaha isku magac may ahayn isku xuduud iyo isku taariikh midna may ahayn, Hadaba  Somaliland Awalba niyad xumo iyo jujuub ayaa lagu xusi jiray Waqtigii midowgii Somalia oo qasab ayay ahayd in gobalada Somaliland laga xusay dowladii milatryga ahayd ee afwayne Barre ayan qasab kadhigtay inla xuso Firt July. Maantana faraha Ayan uga qaadnay dib lasoo noqoshadii madaxbanaanida 1991 May 18,

kadib ma xusno mana ogin maalintan inkastoo ay ku qurux badnayd Taariikh ahaan inaynu uxusno maalin aynu jabnay oo inasoo martay oo weercad aynu xidhano sida aduunkaba looga xusay dal waliba maalintii uu jabay tusaale ahaan. Naasigii Germany maalintii uu jabay dowladaha waawayn ee aduunka xusa oo Germany ka mid tahay.

Maalintaa gobanimadii aynu ka qaadanay Ingiriis aynu hoga ku ridnay waa inaynu ku xusnaa dhibkii inaga Soo gaadhay ee wali samayntiisii inahaysato wakhti Lixdan Sano ku dhawaad Hada laga joogo. Su’aasha ugu wayni waxay tahay Mar hadaynu xoriyadeeni aynu godka madow ku ridnay Afar casho kadib markaynu qaadanay kadib, hadaynu Kala hagaagnay oo Kala dhaqaaqnay Somalia wa maxay sababta ay wali u xusayaan 26ka June ma inaga xusi waynay oo cidlay ka Heleen ma waxay u Qaateen maalin ay Inala leeyihiin?

Arintani inaan dhayalsano Maaha waa inaan maxkamada aduunka horgaynaa waayo Africa dalal badan oo lixdankii Kala qaatay Xoriyadda iyagoo laba waddan ka Kala ah kadibna midoobay ayaa jira iyagoo mida oo isku waddana ayay hadana qolo waliba maalintooda xoriyadda gaar u xusaan macdala waaba inagoo Kala go’nay oo aan isku waddanba ahayn.

Siday maalinteena xoriyadda inoola qaybsadaan mise waxay u haystaan in iyagu xoriyadda maalintan Ingiriis ka Qaateen. Siday doonaan ha uga jeedaan lakiinse adigu in lagugu gafayo u qaado Inay gardaroonayaan uqaado waayo sidani waa inagu bahdilaaad waa inaan ka dhiidhinaa oo magaalintan inagu qaaliga ah kasoo dhicinaa Somalia.

Allaah Mahadle

Abdiqani Salaf Kaptanka

Hargeisa Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso