Muwaadin Ha Dayacin Xaqaagga Doorashada Ee Qaado Kaadhka Codbixinta. W/Q: Mohamed Gacayte

Sida aynu la wada socono waxa #8da bishan Maalinta Sabtida laga bilaabidoonaa Labada Gobol ee Togdheer iyo Maroodi-jeex Qaadashada Kaadhka Codbixinta; Todobada maalmood ee hore goob kasta oo laga codeeyo waa ladhigayaa kaadhka, wixii ka danbeeya way soo koobmayaan goobaha laga qaadanayo kaadhka codbixinta. Deegaanada miyiga mudo 5 cisho ah ayay ka soconaysaa. Qaadashada kaadhka codbixintu waa furaha Doorashada, qof kasta oo muwaadin ahi xaqbuu u leeyahay inuu codeeyo laakiin Kaadhkan la’aantii muwaadin xaq uma yeelan doontid inaad codeyso ama aad doorato cida aad taageersantahay ama isleedahay wuu ku haboon yahay hogaaminta umada.

Muwaadin xaqaaga doorasho Ha dayicin. Muwaadin ogsoonow in horumarka iyo hiigsiga mustaqbalkeenu ku xidhanyahay inaad qaadato kaadhka codbixinta ee ka bilaabmaya labada Gobol ee Togdheer iyo M.jeex iyadoo hore loosoo afmeeray labadii Gobol Saaxil iyo Awdal. Umaddi waxay ku faantaa wixii qabsato awoodeeda dhaqan dhaqaale iyo hanaanka doorashooyinkooda, sidaas darted waxa loo baahan yahay in siwada jira looga shaqeeyo mucaarid iyo muxaafidba gacmaha laysku qabsado sidii bulshada loogu wacyigalinlahaa qaadashada kaadhka codbixinta iyo muhiimada uu horumarka iyo qaranka u leeyahay.

Qof kasta oo Muwaadin maanta gacantaada ayay ku jirtaa sidii aad usoo saari lahayd hogaamiyaha aad aragto inay ku jirto danta dalka iyo dadkuba. Dabcan iyadoo ay jiraan duruufo adagi deegaanada qaar haleelkuna yaryahay, Hadana waa inaad xil iska saartaa qaadashada kaadhka codbixinta waqtigaagana u hurtaa una adkaysataa safafka dhaadheer, waayo nolosha iyo mustaqbalka wanaagsani wuxuu ubaahan yahay halgan hawlyaraana ku iman maayo.

Diiwaangalintii iyo qaadashada kaadhka codbixintu labaduba waa guul u soo hoyatay Qaranka, waa guul usoo hoyatay xisbiyada qaranka, waa guul u soo hoyatay bulshada jecel horumarka iyo dimuqraadiyada, waa shayga suurtagalnaya in muwaadinku codkiisa ku meel mariyo doonistiisa. Muwaadin ka faa’iideyso fursadan qaaliga ah oo Qaado kaadhkaaga codbixinta (muwaadin ha dayicin xaqaaga doorasho). Muwaadin ku dhiiri gali naftaada, qoyskaaga iyo asxaabtaaba intii isdiiwaangalisay inay qaataan kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyada ee dhicidoonta sanadkan bisha Nov.2017.

Gabagabadii waxaanu ugu hambalyeynaynaa komishanka doorashooyinka qaranka iyo Xukuumaduba sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan in doorashada Waqtigeedii ku qabsoonto sidoo kale ugu dadaalayaan in la helo doorasho xor oo xalaal ah oo wadanka ka qabsoonta.

Guul iyo Gobonimo.

Qalinkii: Siyaasi Maxamed Gacayte
Gacayte09@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso