Gudaha Ka Eeg :Musharaxa Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Xukuumadu Qayb Ka Tahay Sicir Bararka, Kuna Fashilantay Adeegyadii Shacabka Ay U Haysay

Musharaxa doorashada Madaxtooyada ee xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa daboolka ka qaaday in xukuumada Somaliland ay ku fashilantay adeegyadii ay shacabka u haysay, isla markaana ay qayb ka tahay Sicir-bararka dalka ka jira ee nolosha qof walba taabtay.

Musharaxa Ciro waxa uu intaasi ku daray in xukuumadu halkii ay ka daweyn lahayd Sicir-bararka ay maalin walba lacag soo daabacdo oo ay suuqyada soo galiso taas oo qayb weyn ka ah Sicir-bararka naafeeyey bulshada.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), Gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasibad ay shalay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani iyo gudoomiye cusub oo xisbigu dhawaan Gobolka Maroodi-jeex usoo magacaabay.

Waxaanu Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi oo ka hadlaya sicir bararka saameeyey shacabka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta farxad ii ah inaan ka soo qayb galno munaasibadan sida weyn loo bilay oo ku saabsan xilwareejinta laba masuul oo sarsare oo ah gudoomiyihii xisbiga ee gobolka Maroodi jeex ee hore mudane Siciid Bustaale iyo gudoomioyaha cusub Xuseen Aadan Cade.

Runtii Siciid Bustaale waa dadka tirada yar ee Somaliland jooga ee ugu waayo aragsan marka maamulka la eego, mudo badan ayuu wax soo maamulayey macalina wuu ii ahaa mudo dheer markaa waxa uu ahaa barre iyo maamul yaqaan iyo xirfad yaqaan, odaybuu ahaa masuul ayuu ahaa.

Sida la sheegayna wuxuu isku waday gobolkan ugu balaadhan Jamhuuriyada Somaliland, waana nin talada dadka wax ka siiya, waa nin team-ka uu la shaqaynayo wata oo si wanaagsan ula shaqeeya waayeel iyo dhalinyaraba.

waayo aragnimadii uu lahaana uu la garab taagnaado masuuliyiinta gobolka ee cusub iyo xisbiga.

Gudoomiyaha cusubna waxa laga filayaa intaa iyo in ka badanba, waxaan ilaahay uga baryeynaa xilka loo dhiibay inuu ilaahay u fududeeyo, Wuxuu inooga baahan yahay inaynu is-garab taagno oo garbihiisii noqono oo aynu la shaqayno.

Guud ahaan xisbigu waxa uu ku boorinayaa hadii aynu doonayno inaynu dawladd wanaagsan dhisno waa in xisbi wanaagsan dhisnaa, maamulka baa jira iyo xaruntii xisbiga, gobolo iyo degmooyin baa jira, xaafadaha iyo tuulooyinkuna inay ka amar qaataan degmada weeyaan.

Waxaan u mahadnaqayaa gudidii qiimaynta ee xisbigu saaray ee soo martay gobolka Maroodi-jeex, gobolada kalena waxaan filayaa insha allaah inay soo mari doonaan si aynu u qiimayno xaaladeena guud iyo dhamaan wixii inaga qabyo ah.

Waxaan usoo jeedinayaa maadaama oo wakhtiga doorashada ka hadhay aad u yar yahay waan ku celinayaa in xukuumadu ay bixiso lacagtii doorashada wixii ku hadhay, waayo wakhtiga inoo hadhay aadbuu u kooban yahay oo waxa la doonayaa in la fuliyo dhamaan agabkii doorashada hadii illaahay ka dhigo.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, waxanau intaasi ku daray mar uu ka hadlayey xaalada sicir-bararka iyo in xukuumada hadda joogtaa ay qayb ka tahay sicir-bararka ayaa waxa uu yidhi “Xukuumada Somaliland ee maanta joogtaa runtii way ku fashilantay adeegii ay shacabka u haysay, waxa ugu daran oo aynu ka war qabnaa Sicir-bararka oo maanta qof walba noloshiisii taabtay oo noloshiisii adkeeyey oo noloshiisii cidhiidhi galiyey, halkii ay ka daweyn lahayd qayb ayay ka tahay Sicir-bararka waayo maalin walba lacag cusub ayaa la soo daabacaa oo suuqa la soo galiyaa taas oo qayb ka ah Sicir bararka taagan (inflation). Waxaanu usoo jeedinaynaa xukuumada inay arintaa wax ka qabato.

Shacabka Somaliland waxaan usoo jeedinayaa oo fariinta aan u dirayaa ay tahay inaynu u diyaargarowno gaar ahaan Maroodi-jeex iyo Togdheer inaynu qaadano kaadhadhka codbixinta oo aynu u diyaargaroweno inaynu qaadano kaadhadhka codbixinta si aynu xaq ugu yeelano inaynu wax doorano, arintaa waynu ka wada shaqaynaynaa oo waa waajib ina wada saaran hadii uu yahay gudoomiye iyo hadii uu yahay hoggaamiye, iyo haduu yahay xoghaye iyo haduu yahay garab dhalinyaro iyo hadii uu yahay garab haween, degmo iyo gobol, waa inaynu ka qayb qaadanaa sidii shacbigu ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka, oo aynu u diyaargarowno inaynu ka badbaadino shirqoolada.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Waddani.

Advertisement

Ku Xayeysiiso