Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Bahda Warbaahinta Somaliland .

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxtinimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay bahda warbaahinta Somaliland.
Kulankan hadhimo-sharafeedda ah oo maanta ka dhacay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo gebi ahaanba bahda saxaafadda Somaliland oo ay hormood u yihiin mulkiilayaasha badiba hay’adaha warbaahineed ee dalka ka jira, rug-caddaadiga saxaafadda, qoraayo, sawir-qaadayaal iyo dhallinyaro badan oo waqtigan mihnadda saxaafadda ku hawllan, waxana s furan la isaga xog waraystay waayaha dalka iyo sidii ay saxaafaddu danaha guud ee dalka xil weyn iskaga saari lahayd.
Ujeeddada kulankan oo ahayd sidii xisbiga KULMIYE iyo bahda saxaafadda meel uga soo wada jeedsan lahaayeen arrimaha danta guud, isla –markaana looga wada shaqayn lahaa danaha qaranka, ayaa laga jeediyey hadallo mahadnaq, bogaadin, waano iyo wax isu sheeg u badan, waxana si hufan oo saraaxad leh la isugu sheegay in midnimada danta qaranku lagama maarmaan tahay.
Xubno kamid ah ruug-caddaadiga saxaafadda dalka oo ay kamid yihiin saxafi/qoraa Maxamed Xasan Waji, Cabdilaahi Aadan Cumar(Wayab), Maxamed Cabdi Jaamac(xuuto), macallin Faysal Fadh-fadhle, Maxamed Cabdi Ilig, ayaa halkaas hadallo ay xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyihiisa ugu mahadnaqeen ka jeediyey, waxana ay bogaadiyeen sida uu guddoomiyuhu xilka iskaga saaray inuu madal casuumadeed la qaato warbaahinta.
Af-hayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi), ayaa isaguna tilmaamay inay jirto wada-shaqayn qoto dheer oo xisbiga iyo Warbaahinta qaranka u dhaxaysaa, waxana uu xusay inuu KULMIYE maanka ku hayo horumarinta bahda saxaafadda iyo la shaqayntoodaba.
Xog-hayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo kamid ah tiirarkii dhidibada u taagay Saxaafadda dalka, ayaa isaguna bahda saxaafadda u sharraxay waajibaadka saaran saxafiga eel agama maarmaanka ah, waxana uu yidhi, “Ninka suxufiga ah ee hawsha saxaafadda ku jira waxa saaran saddex waajibaad oo kala ah, masuuliyad-xirfadeed, mid sharciyeed iyo waliba masuuliyad bulsheed, waxana waajib inuu qofkaasi si uu xirfaddiisaas u ilaashado inuu yeesho aqoontii saxaafadeed oo uu kala ogaado maxaa kaa mamnuuc ah amaba lagu oggol yahay, waana inaad bulshada u gudbisaa war dhisan oo miisaaman oo aan been iyo buunin midna lahayn.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas hadallo kaftan u badan ka jeediyey, ayaa ugu horrayn sharraxay afkaarta uu ka aamisan yahay cidkasta oo libin aanu lahayn siisa iyo sidoo kale ciddii isku dayda inay kala masuugto karti uu leeyahay, waxana uu yidhi, “Ninkii dhaliishayda ii sheegaa laba goor mahadsan, ninka ii guul-wadeeyaana ma mahadsana, ka wax run ah igu taageeraana wuu mahadsan yahay, kii wax been ah iga sheegaana wuu mahadsan yahay oo Aakhiraaba aan Ajar ka helayaa.”
Guddoomiyuhu waxa ujeeddada kulanka ku sheegay inay tahay inuu abuuro madal-doodeed saxaafadeed oo ay bahda warbaahintu ku shirrabaan cidkasta oo doonaysa inay hoggaanka dalka qabato,“Ujeeddada aan u socdaa waa kii aan soo gaadho inaan gaadho kii kalena aan daydayo oo aanu nin walba doodno oo Ololaa soo socda oo rag baa sharraxane aan nimanka kale ka badiyo oo aan idin idhaahdo nin walowba Imtixaan iga qaad inaan fidh ahay.” Ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso