Gudaha Ka Eeg : Xildhibaannada Labada Gole Deegaan Ee Saylac Iyo Hargaysa Oo Kulmay .

 

Kulan Maanta Dhex Maray Garabka Bidix ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa & Garabka Bidix Ee Golaha Degmada Saylac Ee Dhawaan Doortay Maayirka & Maayir ku Xigeenka, Balse Ay Xukuumaddu Ka Dhigtay Doorashadoodii Ay ku Doorteen Maayirka & Maayir ku Xigeenka Si Waafaqsan Xeerka Ismaamulka Gobolada & Degmooyinka Dalka Ee Xeer. Lr. 23. Waxba Kama Jiraan. Taasoo ah Xeer Jabin Ay Xukuumaddu Ku Talaabsatay  Dimuqraadiyadii,Shuruucdii Dalka & Nidaamkii Ismaamul Ee Aynu Dhiganay oo Iyana Beerka Laga Laaday Halka Xildhibaanada Qaarkoodna Xabsiga Loo Taxaabay Oo Xasaanadina Noqotay Hal Bacaad Lagu Lisay & Waxba Kama Jiraan.

Dhammaan Xildhibaanadii Goobta Ka Hadlay Waxay Hoosta Ka Xariiqeen Haddii aan La Ilaalin oo aan La Dhawrin oo aan La Ixtiraamin Shuruucda & Xeerarka Dalka u Yaala ee Aynu Dhiganay Inaanay Jireyn Dawladnimo & Kala Denbayn.

Waxa Kalooy Iyana Hoosta Ka Xariiqeen Fariin ah Isha Cali Ka Laalaadda.
Iyaba Waa Tabaalaha Wakhtiga Taynu Aragnaaye.
Waxa Kale Oo Ay Xildhibaanada Labada Gole Deegaan Fariin u Direen Xukuumadda Iyagoo Leh Halaga Daayo Cabudhinta Golayaasha Deegaanada Dalka Oo Haloo Hogaansamo Xeerarka sharciyadda Dimuqraadiyadda Aynu Qaadanay. Haddii Sidaa La Yeeli-waayana Xukuumadduna Sharci ku Fadhiyi Mayso Oo Waa La Kala Dhaqaajin.

Waa Kan Liiska Labada Gole Deegaan Qaar Ka Midi + Daawo Iyagoo Arinkan Ka Hadlaya.

Xildhibanada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

1. Xil Axmed Siyaad Muxumed.
2. Xil. Ilyaas Xusseen Jaamac.
3. Xil. Cabdilahi Siciid Faarax.
4. Xil. Cabdilahi Aw Adan Maxamed.
5. Xil. C/raxman Cali Yuusuf.
6. Xil. C/qani Yuusuf Cabdilahi.
7. Xil. Saleebaan Daahir Dogox.

Xildhibanada Golaha Degmada Saylac.
1. Xil. Sacad Daahir Ciise, Maayirka Cusub ee Ay Doorteen.
2. Xil. Maxamuud Cigaal Wacays, Maayir ku Xigeenka Cusub.
3. Xil. Maxamed Daahir Caamir.
4. Xil. Axmed Aden Bile.
5. Xil. Axmed Yaasin Muxumed.
6. Xil. Axmed Cali Yuusuf (gabiley).
7. Xil. Cabdilaahi Aw Adan Maal.

Allaa Mahad Leh.

Advertisement

Ku Xayeysiiso