BALWADII QAADKA OO HEERKII UGU SAREEYAY MARAYA

 

BALWADII QAADKA OO HEERKII UGU SAREEYAY MARAYA

 

 

 

Qaadku waa aafada ugu wayn ee dalkeena Somaliland hoos mariyay hadaynu barbardhigno dawladaha Africa ee aynu isku qaarada nahay , kasoo waxyeelo badan ugaystay  haday tahay dhanka mujtamaca , caafimaadka , dhaqaalaha , watiga  iyo horumarkaba , waanaynu kadharagsanay taa.

Maclumaadkaa yaree is xasuusineed markaan soo dhaafo , akhriste markaad eegtid ee aad u fiirsatid mujtamaceena ama bulushadeena somaliland  waxaad is odhanaysaa ood u malaynaysaa in cunida qaadku heerkii ugu hooseeyay marayo oo aanay dad badani cunin waqtigan aynu ku jirno iimka , waayo way yaryihiin buulashii madawga ahaa ee lagu qayli jiray ee suuqa iyo wadooyinka hareerahooda ku yaalay , taasoo aan maqlay in laga ilbaxay maqaaxiyihii ama buulashii liitay ee dadka balwadan lihi ku qaylijireen oo loo badalay in lagu qaylo guryo goglan oo laga shaqeeyay ama la qurxiyay oo dadka balwadan lihi ee imtixaamani ku qaylaan , taasina hoos u dhigtay layaabkii qofka balwadan lihi uu isla yaabi lahaa maqaamka hoose u taagan yahay awgeed iyo nadaafad darada uu qaadku u gaysto qofka cuna , cakiskeedana uu isku arko  inuu dadka ugu sareeyo , casriyeyntaa mirqaanka loo casriyeeyay awgeed oo dhalanteeda , waliba aan maqlay in aqaladaa marfajyada ah qaar kamida rag iyo dumarba qaadka isku meel ku daqaan inagoo ah bulusho boqolkiiba boqol islaanimo sheegata, dadka marxaladan ku jiraana badankoodu yihiin dhalinyaradii waxbaratay ee loo hanwaynaa ee laga doonayay inay nolosha mujtamaceenan ee ka liidata haday tahay xag caafimaad  ,  xag dhaqaale , aqooneed iyo xag bulushaba ay badbaadiyaan oo ay sare u qaadaan , madaama ay waxbarteen ay ayagii marxaladan liidata hoos ugu noqdaan , waxay mujtamaceena kusoo kordhiyaan dhaafo,  waana  nasiib daro iyo baaba mujtamac halkii ugu danbaysay.

Anigu odhanmaayo maanta haday tahay aqoonyahano ama dhalinyarba waxaas iyo waxaas aynu samayno si aynu aafadaa inagu habsatay aynu wax uga qabano ama u joojinaba  , madaama ay inagu kakawnahay marxaladan adag ee aynu ku jirno ee horumarla,aanta  ee mujtamaceenii baabiisay , ee dhaqaalihii aynu ku burburinay wadankeenu ku dhismi lahaa  , waayo inagaaba sadhaysan ee kii jaahilkaa ka waran?

Dhalinyaro maxaa ina casilay ?  dhalinyaro maxaa horumarla,aanta iyo dib u socodka inoogu wacan ?

Maxaa inaga reebay dalalkaynu isku qaarada ahayn ee Africa ?bal yurub iyo ameerika iskaba dhaafoo?

Jawaabta ugu fududna ay tahay waxaa inaga reebay qaad iyo qabyaalad

 

Dhalinyaro yaynu sugaynaa? Ma nabiyo danbe oo inalosoo diro ayaynu sugaynaa ? kuwaasoo marxaladan adag ee jaahilnimaa ee aynu ku jirno  inaga saari lahaa? .

Maanta waxaynu maraynaa heerkii noloshu markay bilowga ahayd , heerkii jaahiliyada , ee   uu bini,aadamku    jaahilka ahaa , ee ka jaahilka ahaa diinta nabi maxamed rabi intaanuu u soo dhiibin   ee aan diinteenan suuban lasoo dejin ee bani,aadamku qabaa,ilada isku dili jiray , khamriga cabi jiray  asnaamta caabudi jiray  , walow inagu muslim nahay , oo khamriga aynaan caadaysan  , se ay jiraan dad cabaa , oo aanay jirin asnaam aynu caabudnaa  , oo aynu muslim nahay oo rabigeen aynu garanayno oo aynu caabudno  , se casru jaahligaa aan soo jeegay aynu ka marayno maanta heerkii qabyaalada iyo maandooriyuhu marayay oo inaga inoogu jirta maanta qaadka .

Dhalinyaro badbaado ma u noqonaa mujtamaceenan baaba,aa ?  dhalinyaro ma galnaa booskii iyo maqaamkii nabigeena suuban iyo asxaabtiisu ay ku badbaadiyeen nolosha  bulushadii markaa noolayd?  raadkii ay aduunka kaga tageen nabigeena muxamed (scw)  iyo asxaabtiisu wali aynu ku taaganahy mooyaane intaa xumahaa ee aan sare ku soo sheegay , taasna aynu xal u heli doono hadii qof kastaaba naftiisa hagaajiyo .

Dhalinyaro mee tacabkii inala soo galiyay sodonka sanno ?  Dhalinyaro faqriga maka saarnaa dadkeena  ?  xoogeena  , dhaqaalaheena  , waqtigeena  iyo maskaxdeena aynu ku luminayno qaadka ma uga faa,idaynaa dadkeena iyo dhulkeena  gaajada  , sixirbararka iyo abaartu  ku habsatay ?   dhaamam waawayn ma qodanaa  , oo biyo galeena  ?   beero mafalanaa , oo wax soosaar makasoo saaranaa dhulkeenan baaxada leh ee boqolkiiba sideetan  banaan kuwaasoo aynu kaga bixi lahayn faqriga iyo horumar la,aanta  , intaynu qaadka dhaqaalaheena iyo waqtigeena ku luminayno .

Dhalinyaro hogaamiye aqoon iyo karti leh oo hormood inoo noqda ma dooranaa  , inagoo mida , isku fikira oo isku duuban  , sidoo kale  kaynu u aragno inuu hormood inoo noqon karo ,  inoo jihayn karo dhinac a horumarka iyo hore usocodka  madooranaa  , inagoo mida isku duuban oo aan inaloo kala jabsan reer hebel iyo reer hebel ?   si aynu u dhaafno marxaladan baaba,aa ee mujtamaceenu ku sugan yahay .

Ugu danbayn dhalinyarooy  siyaasiintan maanta ina xukumayaa wax horumara ah oo hore usocoda ah inooma soo wadaan ee yaynaan sugine aynu ka baxno wakhti lumiska iyo khiyaaliga aynu nafaheena ku mashquulinay ee aynu maqaaxiyaha la fadhfadhino iyo guryaha la camirtay ee lagu qaylo , sidaa daraadeed waqtigeena iyo muruqeena aynu galino dhulka  , si aynu uga baxno faqriga iyo horumar la,aanta inagu habsatay  , ula tartanana dalalka  qaarada Africa ee aynu ka midka nahay yurub iyo america haba danbaysee.

Allaa  mahadleh

 

Mohamed abdirahmaan maxamuud (dhumiye)

M_khadar02hotmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso