Gudaha Ka Eeg :Odayaasha Guurtida Jaalliyadaha Reer Somaliland Ingiriiska Oo Talooyin U Diray Xisbiyada, Dawladda Iyo Bulshada Reer Somaliland .

Annaga oo ku hadlayna magaca jaalliyadaha kor ku xusan

Waxaa naga go,an in aanu mar walwalba  wixii dalka iyo bulshada jamhuuriyadda qiimaha leh ee Somaliland in aanu u soo jeedinno talooyinka nagala gudboon ee aanu u aragno in ay dalka iyo dadkaba dani dhinac walba ugu jirto kuwaas oo ay ka mid yihiin kuna soo qaadan donna saddex qodob oo kala ah saddexda xisbi qaran ee kala ah Xisbiga Kulmiye,Xisbiga Ucid iyo Xisbiga Waddani , Dawldda ilaahay ayaa hoggaamiye ahe hoggaanka dalka u  haysa iyo bulshada reer Somaliland.

 

Saddexda Xisbi qaran

 

Waxaa innagu soo foolleh Doorasho dalka ka qabsoomi doonta  haddii Allah idmo bisha November 13/2017 taas oo loo ballansanyahay.

Waxaa inta badan la sheega wax loogu magacdaray ku shubasho oo ah dulmi laga galay daacadnimo,waxaad qiyaasta muddada aad xisbi ahaan haddii aad ku guulaysato madaxnimo dulmiga aad ku bilawdo inuu kaaga dhammaanaayo dhib joogto ah buuq  iyo sawaxan aan kala go,lahayn oo aad warawr iyo walbahaar ku dhammaysato muddo xileedkaaga.

Si aanay taasi u dhicin waxaa habboon oo dalka iyo dadka aad hogganka hayso danta iyo horumarkuba ku jiraa daacadnimo lagu bilaabo kaas uu ku dhamaan doona muddo xileedka deggenaan kala dambayn iyo nashasho joogto ah galgacal bulshada ilaahay kuu geliyo. Xaqa iyo xaqdarradu ilaahay uma sinna waxaana wanaagsan in xaqdarrada laga waantoobo.

 

Bulshada reer Somaliland

Bulshada waxaa la gudboon in ay ka dheeraaadaan caadifad nin jeclaysi ,qabiil,eex , eexdaas oo bulshada ka bilaabanta,waxaana wanaagsan dalka in hoggaamiyaha lagu doorto kartidiisa ilaalinta nabadgelayadiisa yaanay noqon waran kugu soo noqon doona ha tuurin oo ha kuu sinnaadan saddexda xisbi qaran dabedaad ku dooro cilmiga musharraxa, inta ilaahay cilmiga ka siiyey, aqoontiisaiyo garashadiisa.

Cadawga Somaliland waa cadawga bulshada nabaddu waxba kuma yeehso nabadgelyo ha laga feejignaado.

 

Dawladda

Dawladda waxa ku waajib ah sugidda Ammanka dalka iyo ilaalinta kala dambaynta, oo saddexda xisbi qaranna u sinaadaan sharaftana dalkana huwato taariikh ma hadha ahna reebto.

 

Xaqa iyo xaqdarradu meel ma wada maraan xaqa ayey guushu raacdaa.

Alaah waxa uu inoo sheegay oo uu yidhi cidda i xasuusata ayaan xasuustaa

ha la badiyo cabsida Allaah

 

Oday Deeq Cabdi Digale

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso