Gudaha Ka Eeg :Haweenweynaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada 26-ka June Oo Kulan Dardargelin ah Ku Qabsaday Hargeysa

Hoggaanka garabka Haweenka xisbiga KULMIYE u qaabilsan degmadda 26-ka June ee magaalada Hargeysa, ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga, isla markaana kor loogu qaadayo isku duubnida taageerayaasha xisbiga ee degmada ku qabtay maanta Hutel Star Box ee magaalada Hargeysa.
Kulankan, ayaa waxa ka qaybgalay madaxda xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka garabka haweenka ee degmada 26-ka June iyo taageerayaal haween ah oo tiro badan, waxana halkaas hadallo dardaaran iyo guubaabo u badan ka jeediyey xubno haween iyo ragba isugu jira oo baaq ku aaddan u diyaar-garowga qaadashada kaadhadhka cod-bixiyayaasha u diray dhammaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada 26-ka June.
Sidoo kale waxa dhammaanba xubnihii halkaas ka hadlay ay si isku mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu guubaabiyeen inay xil weyn iskaga saaraan sidii bulshada ku dhaqan degmada 26-ka June loogu dhiirrigelin lahaa sidii ay kaadhadhka codbixiyayaasha u qaadan lahaayeen, iyada oo carranka lagu adkeeyey muhiimadda ay kaadhadhkaasi u leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland, maadaama ugu yaraan saddex doorasho oo midda madaxtooyadu ugu soo horrayso lagu codayn doono.
Xubno ay kamid yihiin Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada 26-ka June Axmed Maxamed Jaamac (Axmed Gobonimo), Marwo Rasma Xasan Jaamac oo ah guddoomiyaha garabka haweenka ee degmada 26-ka June iyo Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud oo ah guddomiyaha dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee Gobolka M/jeex, ayaa halkaas ka hadlay, waxana ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqeen inay u midoobaan sidii ay kaadhadhkooda cod-bixinta u qaadan lahaayeen, islamarkaana u gudan lahaayeen waajiboodka distooriga ah ee ah inay codkooda si xor oo xalaal ah u gudan lahaayeen.
Xubno kamid ah haweenka ugu caansan xisbiga KULMIYE ee degmada 26-ka June oo ay kamid yihiin marwo Aamina Carab iyo Khadra Qallaaf, ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inay taageerayaasha KULMIYE ee degmada 26-ka June isku duubnaadaan, isla markaana meel uga soo jeestaan cidkasta oo isku dayda inay carqaladayso kaadh-bixinta.
Ugu dambayntii waxa ay madashu kusoo af-meerantay jawi is afgarad iyo is-fahan ku dheehan yahay, waxana ay haweenweynaha KULMIYE ee degmada 26-ka June ku ballameen in dhammaanba dadweynaha degmada deggan lagu wacyigeliyo inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso