doorka Barnaamijka Xisbiga WADDANI ee xaqiijinta kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

Xisbiga Waddani, mar walba isaga oo ka duulaya daryeelidda iyo ilaalinta dareenka waddaniyadeed ee dhallinyarada, wuxu si mug leh u dhalliilayaa qorshe la’aanta xukuumadda Kulmiye ay ku wajahdo dhallinyarada Somaliland, waxaana suuqyada iyo maqaaxiyaha shaaha fadhiya kumanaan ka mid ah dhallinyaraddii ka qalin-jabisay jaamacaddaha dalka   oo u shaqo la’ qorshe la’aan , eex, qaraabo kiil, musuq-maasuq iyo danayn la’aan ay kala kulmeen xukuumadda Kulmiye oo wax ku xulata hayb iyo nin jeclaysi.

Wasaaraddii qaranka uga masuulka ahayd siyaasadda dhallinyaradu, waxay noqotay magac lagu mushahar qaato oo aan manfac iyo macne ugu fadhiyin dhallinyarada, waxaana ay ku fashilantay dhammaan qorshayaashi mustqabal ee ay siyaasaddeeda masuulka ka ahayd oo dhan. Iyada oo ay ugu danbeeysay oo marag fur ay innoogu filan tahay ugu koobkii gobollada halkay la mareen.

Dhibbaatada Shaqo-la’aanta:

Sida ay khubarada dhaqaale-yahannadu sheegaan, shaqo-la’aantu waa aafo qaran, balse hadana waxa ay isku raacsan yahiin in aan la tir-tiri karin, waxaana ay khubarada dhaqaale-yahannadu aamminsan yihiin in kaliya uun la yarayn karo heerka shaqo-la’aaneed ee bulsho, waxaana aynu ka war qabnaa in guud ahaan ay waddanka ka jirto shaqo-la’aan aad u baahsan gaar ahaan dhallinyarada kumaan-kunka ah ee sannad walba ka soo qalin-jabiya jaamacadaha dalka taasi oo saamayn xoog ah ku yeelatay rajadoodii mustaqbal ee ay hiigsanayeen iyo guud ahaan qaranka Somaliland.

Dhallinyaradu waa xoog dihin una diyaar ah sidii looga faa’idaysan lahaa, waxay waddanka ka yihiin ilaa 70%, waa dadka ugu badan ee bulshadeenna, waxaana hubaal ah in haddii aan qorshe loo samayn lagu abuurayo fursado ay shaqooyin ku helaan sannad walba dhallinyarada jaamacadaha ka soo qalin-jabinaysa ay abuuri karto in xoogaa dihin ee aan laga faa’iideysan ee dhallinyaradu uu keeno in ay mar uun ay ‘fulkaane’ inagu noqdaan, taas oo sababi karta in ay ka dhalato falal ammaan-darro ah iyo arrimo kale oo badan oo aan mustaqbal ahaan innoo fiicneyn.

Xukuumadda Kulmiye, waxa ay u muuqataa mid aan ilaa hada  dhaadanayn dhibbaatada ay abuuri karto shaqo la’aantu iyada oo tan iyo waagii ay talada dalka qabteen aanay la iman wax qorshe ah oo dhallinyarada Somaliland looggu abuurayo fursado shaqo, waana ayaan-darro in xukuumadda Siilaanyo ay illowdo dhallinyarada Somaliland oo waagii ay mucaaradka ahayd si aad ah ay ugu ololaysan jirtay in ay wax u qabanayso.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso