Gudaha Ka Eeg :War-murtiyeed Iyo Qiimayn Ay Soo Saareen Odayaasha Guurtida Jaalliyadaha Reer Somaliland Ingiriiska

Annaga u damqanayna dalkayaga waxaanu tilmaamayna xaalladda dalku ku suganyahay una kala qaadayna dhawr qodob oo kala ah;
Bulshada reer Somaliland waa afar qaybood waxanay kala yihiin sidan.

1. Qayb danyar ah oo nololmaalmeedkooda la daaladhacaysa cashuurtana laga qaado waxna aan loogu qaban,qaybtani waxaa ku cuslaatay nololmaalmeedkooda, mana xiiseeyaan in ay la socdaan dulmiga lagu hayo ama wakhtiba uma hayaan.
2. Qayb maalqabeen ah oo dhiigga danyarta ku mamay ama miirta,qaybtani waxay ilaashadaaan dantooda waxaany iska ilaaliyaan in ay dawladda dhaliisheeda sheegaan.
3. Qayb dawladda ah oo labadas qaybood midba sidiisa ula dhaqma,qaybtani waxay ku heshiiyeen in aanay isla xisaabtamin kaas oo ah( kulama xisabtamo ee ha ila xisaabtamin) waanay isu abaal dhigtaan.
4. Qaybtan afraad waa og saddexdaas qayboodba u muuqdaan waana qaybta ugu muhiimsan ee waddaninimada dareemaysa qaybtani waxay u baahanyihiin in aay xidhiidh joogto ah lahaadaan waliba ay maamul samaystaan loona magac bixiyo loona bixiyo badbaadada dalka Somaliland

 

Dhulka lama beddelo maamulka ayaa la beddela ,taariikhduna ma duugawdo.

dawlad walba waxaa lagu xasuusan doona raadka ay reebtay shar iyo khayr

Waxaa ugu dambi badan wax la wada leeyahay oo keli loogu tagri falo iyo xaaraan xalaal la moodo.

Bulshadii kula lahayd aakhiro kuu qabsadaan ilaahay waa waxwalba kare og

Ha badiyo Allah ka cabsiga hana laga toobbad keeno wixii dambi la galay

Hana quudin ubadkaaga wax ubad kale la leeyahay si ay baarri kuugu noqdaan.

Oday Deeq cabdi Digale

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso