GOORMA AYUU SAAXIIBKA SOOMAALIYA CADOWGA SOMALILAND NOQDAY?

 

Siyaasiyiinta, wax-garadka iyo caammada reer Soomaaliya shan wax oo ay aad isugu waafaqsan yihiin ayaa jira oo aaney weligood isku khilaafin. Shantaa shay waa:-

  1. Muqdisho saddex milyan ayaa ku nool!
  2. Somaliland ha la mid noqoto Maamul-Goboleedyada! Soomaaliya, sida Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed!
  3. Soomaali waa ay is-wada dishay, gobollada Waqooyina dhib ayaa soo gaadhay!
  4. Kenya iyo Ethiopia waa cadow Soomaaliyeed walaalahayaga Waqooyiyow ee aan u midawno!
  5. Sidaa ha lagu hayo Somaliland dhexdoodana dhib ha la dhigo, adduunyadana ha laga soo xidho; marka ay jilcaan iyaga ayaa sidii lixdankii iman doona eh!

 

Rukunnada siyaasadda iyo mabaadiida Soomaaliya u yaal in ay Somaliland ku wajahdaa waa kuwaa. Bal haddaba aynnu mid walba gaarkiisa u turjunno;

 

1.Muqdisho saddex Milyan ayaa ku nool, waxa macnaheedu yahay Muqdisho inta ku nool ayaa ka badan amma ku dhadhaw inta ku nool Somaliland! Hadda agow Addis Ababa waxa ku nool 3.3 milyan, Nairobi waxa ku nool iyana 3.3 milyan. Caasimadahani waa kuwa Afrika ugu waaweyn ugu na dhaqaalaha badan, waxana ay ku yaalliin dhul iyo qaran nabad ah oo intii ay Muqdisho burburaysay dhismayey! Waa la ogyahay in Muqidho ay ku nool yihiin 1 milyan oo tirakoob kasta oo la qaado waxa uu sheegaa in 1 milyan ay ku nool yihiin. Laakiin, arrinta waxa ujeedadeedu tahay waa in Somaliland lagu la dagaalamo. Si aad u ogaato in Muqdisho ay ku nool yihiin 1 milyan eeg tirakoobkii u danbeeyey ee UNFPA.

 

2.Somaliland ha la mid noqoto Maamul Goboleedyada waa in la diidan yahay in laba dal la ahaa oo isku tagay 1960. Waa in la xaqirayo oo la diidan yahay in aad sinnaataan iyada oo taariikhdaadii dawladnimo la aasayo, isla markaana la rabo in lagu gumaysto.

 

3.Soomaali waa ay is-wada dishay! Macnaha keliya ee ay leedahay waa in aan 60,000 ee la halligay, diyaaradaha lagu rusheeyey iyo kuwii guryahooda laga la baxay ee Jasiira iyo meelo badan oo kale oo daran lagu xasuuqay ay ahaayeen kuwa dameer dilay, aan xisaabsaneyn oo gar iyo mag la’aan dhintay.

 

4.Kenya iyo Ethiopia waa cadow Soomaaliyeed! Waayahay e, haddii ay cadow yihiin maxaad u wadataa? Gal-Mudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed sawtan Ethiopia ilaalinaysa ee la joogta ee ay walaalaha yihiin! Sawtan Jubbaland Kenya ay wadato ee walaalkeeda koowaad ka dhigatay! Cadowga Somaliland loo sheegayaa iyo Itoobiyadan la isku bahallo galinayaa waa maxay? Wax kale ma aha e, waa in jaarkaaga dab la guu galiyo oo baradaada baro colaadeed laga dhigo!

 

5.Sidaa ha lagu hayo Somaliland waa siyaasadda wadahadallada Soomaaliya! Waa siyaasad cadow ah oo lagu naawilayo in aad jilicdo. Waxa kale oo ay daaran tahay in gudahaaga la soo dhex galo oo intii lagu hagardaamayn karo lagu hagardaameeyo. Waa in adduunyada laga baryo in ay dhuunta kaa xidhaan!

 

Ninka kuwaa yidhaa walaalo ayaan nahay, waa laba mid uun; nin aan runta ogayn oo miskiin ah xog badan oo uu hayaana jirin, iyo nin aan aragti dheerayn oo garashadu ku yar tahay oo laga dhaadhiciyey in saaxiibka Kenya iyo Ethiopia ee Soomaaliya uu cadow Soomaaliyeed yahay.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.ukmohamedhagi@gmx.co.uk  

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso