Cambaarayn Fargelinta Farmaajo

Waxa aan Cambaaraynayaa Faragelinta Farmaajo uu ku hayo Jamhuuriyada Somaliland

Cambaarayn Fara-gelinta M.A.Farmaajo

Anigoo ku hadlaya magacayga,aqoonyahanka iyo shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxa aan si adag u cambaaraynayaa faragelinta qaawan ee ninka isugu yeedha madaxweynaha federal isku sheega Soomaaliya uu ku hayo dalkan Jamhuuriyada Somaliland.

Maaha markii ugu horaysay,tiraba dhawr jeer ayuu Farmaajo faragelin ku sameeyay dalkan jamhuuriyada Somaliland,kuna tiraabay inay tahay maamul ka mid ah federal isku sheega Somaliya.Intaana waxa la dhawraayay jaar nimada iyo wada-hadaladii kala gurashada iyo isaqoonsiga 2da dal ee walaalaha ah.Balse dib ugu dul qaadan mayno faragelintaas joogtada ah. Waxa uu si cad ugu qeexay hadalkii uu ka jeediyay xaflad uu ku tilmaamay xuskii 26 june oo uu uga dan lahaa farriin ku fool lahayd dalalka shisheeye iyo Jamhuuriyada Somaliland.Waxaanu xuskaa dhalaan habaabista ahaa ku soo gaba-gabeeyay:

1.Faragelin qaawan,kuna cadeeyay dal madax-banaan inaanu

Ahayn Jamhuuriyada Somaliland.

2.Dalkan JSL inuu yahay maamul ka mid ah federal ku sheega

Somaliya.

3.Xaqiraad uu ka badheedhay halgankii xornimo,xisbiyadii dalkan u soo halgamay,halyeeyadii iyo siyaasiyiintii dalkan ka xoreeyay gumaystahii saanta cadaa.

4.Waxa uu maldahay,kuna riday god madaw taariikhdii iyo

Soo-yaalka siyaasadeed ee dalkani leeyahay.

5.Quudhsi ula kac ah oo uu dambas ka dhigay himiladii iyo hiigsigii shacabkii Dalkan JSL lahaayeen oo ahaa midaynta 5tii Somalida,kana dhigay inay doonayeen keliya 2ba inay midoobaan.

6.Afkiisa waxuu ka ilaashay inuu qiro 5Casho inuu dalkani ahaa dal jiray oo la aqoonsan yahay,kuwa uu hogaami-nayaana gumaystahu haystay.

7.Waxa uu aasay 1dii july isdhex-yaacii dal madaxbanaan oo

la aqoonsaday iyo dal maalintaa xoroobay balse aan la aqoonsan.

 

Mar labaad waxa aan si adag u cambaaraynayaa faragelinta qaawan,xaqiraada iyo sheegashada M.A.Farmaajo uu ku sheeganayo dalkan madaxbanaan ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa aan uga digayaa Farmaajo riyada ku salaysan siyaasada ciriqa xun ee uu ku faragelinaayo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso