MA ISWAYDIISAY WAXA AY MUQDISHO, HARGEYSA UGA DAMAASHAAD WACNAATAY XUSKA 26 JUUN?

MA ISWAYDIISAY WAXA AY MUQDISHO, HARGEYSA UGA DAMAASHAAD WACNAATAY XUSKA 26 JUUN?

 

Hargeysa waa loo ga dabbaal-degay 26 June, Muqdishana si weyn oo ka fiican sida Hargeysa ayaa loo ga dabbaal-degay; iswaydiintu se waxa ay tahay; waayo? Maxaa keenay in Somaliland xornimadii ay gumaystaha ka heshay loo ga farxad badsado? Sababtu wax kale ma aha e, waa in Muqdisho ay u dabbaal-degayso in ay ka mid noqotay ummadaha wax gumaysta! Muqdisho waxa ay gumaysatay Hargeysa oo iyadu midnimo rabtay iyo Soomaalinimo lagu badhaadho oo ujeedku yahay shanta Soomaaliyeed oo hal calan, hal dawlad iyo hal dhul leh. Taa cakiskeeda Muqdisho midnimada waxa ay u aragtay in ay heshay dad iyo dhul habow ah oo ay ka manaafacaadsato; waana sababta keentay in midnimadu ay tammarin kari waydo oo ay noqoto hal bacaad lagu lisay. 

 

Waa laga yaabaa in aad qariibsato, amma ay kaa daadegi waydo in Muqdisho ay Hargeysa gumaysatay! Haddii se aad si fiican u fahamto macnaha erayga gumaysi, isla markaana aad barbar-dhigto dhibkii Somaliland midnimada Soomaaliya ka soo gaadhay waxa aad garowsan doontaa in Muqdisho si baas oo daran u gumaysatay Hargeysa. Eragyga gumaysi waa in xaqaaqa, rabitaankaaga ummadnimo, dammacaaga garasho iyo doonistaada hammiga ah lagaa hor istaago oo aad xor u noqon waydo garashadaada. Intaa iyo in kale oo dil, dhac, kufsi, xadhig iyo kadeed ahba waa laga mutay midnimadii fashilantay ee habaarka u dhalan-gaddisantay.
Somaliland waxa ay ka xorrowday gumayste, waxa se ay la midawday gumayste kale oo madaxa ka garaacay! Muqdisho waxa ay u dabbaal-degaysaa in ay heshay dad iyo dhul bilaash ah oo ay gumayso, adigu se maxaad u dabbaal-degi? Ma in gumaysi cad aad ka hoos baxday oo aad gumaysi madow oo kun jeer kaaga daran aad u gacan gashay? Faa’idada ugu weyn ee taariikh laga helaa waa in cashar laga barto wixii la qalday shalay si xumaan loo ga samatabaxo, waana in tagtadu intii ay wanaag lahayd la kaydiyo oo la biiriyo.

 

Haddii se ummadi fahamka taariikhda ku guul-darraysato waa in qaladkii shalay la galay maanta iyo marar badan lagu celceliyo, halka hagaaggii shalay uu ab iyo abtirsiin beelo oo uu habaasku ciidda ku af-rogo. Madaxbannaanidii 26 June 1960, reer Somaliland ilays u baxay iyo iftiin ayey u arkayeen waaney ula ekoonayd. Xornimadaa hal ujeedo keliya ayey ka lahaayeen; waana in gumaystuhu tago oo Soomaali dawladnimo ku midawdo.

 

Arrintaasi waa ay isla rogtay, midawgii 1 July 1960 ee Jamhuuriyaddii Soomaalidu waxa uu noqday in mar labaad Somaliland la gumaysto! Weliba si aad u daran oo dhaxal-xumaysatay loo gumeeyo. Ujeedadii midawga oo ahaa in shan Soomaaliyeed la helo waa lagu khasaaray, Midawgaa waxa ay natiijadiisu noqotay in dawladnimadii Soomaalidu dhiig gacanta la gasho oo kuwii keenay midnimada abaalkoodu noqdo xasuuq cir iyo dhul ah oo aan loo aabbo yeelin.

Gumaysigii 76 sano ee Ingiriis ayaa janno noqday iyo wax dib loo gu baahdo, waayo 31 sano ee midnimada ayaa dhaxal-xumaystay! Waxa la xasuuqay maati, waxa la burburiyey xoolo, waxa la dhacay hanti, waxa la masaxay magaalooyin oo waxa la xaqiray ummad walaalnimo doon ah, iyada oo abaal loo ga dhigayo xadhig, kufsi, cago-juglayn dhul boob, isir tirtir iyo gunnimo nooc ay tahay. In ka badan 60,000 oo waxba aan galabsan ayaa cir iyo dhulba lagu halligay. Dadkaasi waxa ay ahaayeen maati aan waxba gaysan; cid ay yihiin darteed se loo bartilmaameedsaday. Maalintii xornimada 26 June 1960 waxa laga dhaxlay dhib iyo silic kii ugu darnaa ee ummad la mariyo.

Inkasta oo ay madaxbannaanida gumaysi laga xoroobayaa tahay sharaf, haddana in gumaysi cad oo wax xeerinaya aad ku beddelato mid madow oo aad jinsiyad bidday se ah axmaq ka xun kun jeer gumayste aan kula diir, af iyo diin ahayn waa mid mudan in aan waligeed la ilaabin haddii xilkasnimo iyo damiir xasuus oggoli jiro.

 

Anigu shakhsiyan 26 June waxa aan u aaminsanahay taariikh. Tagto in garashadu i farayso in mar danbe aannan degmin oo nacasnimo hodmin. Tagto in aan dal la mid ah dalalka kale ee xornimada helay aan ahaa; se aan nacasnimo holladay oo waayo-aragnimo la’aan yari kufay. Si aad u rumaysato warkayga bal eeg Jabuuti sida ay xornimo u heshay ee ay u adkaysatay iyo sida ay u badbaaday ee ay u samatabaxday. Maanta miyaaney saddexdii midnimada ka hadhay ka wacneyn Xamartii midnimada khiyaantay; halka ay Hayrgeysi ka raysatay 26 kii sano ee ay mooganeyd gumaystaha walaalka u eg ee riyadii midnimo xabaalay!

Somaliland cashar xanuun badan oo wax lagu qaato ayaa soo maray; waa se sida aay uga faa’idaysataa! Waxa aan idin leeyahay walaalayaal ka digtoonaada booraan haddimo iyo midnimo afka ah oo been ah. Soomaaliyana waxa aan leeyahay, dadku ma aha xashiish cab dib ugu xiisoonaya xumihii aad baddeen iyo silicii aad walaalnimada ku dooriseen waa halkii Abwaan Dheeg eh. Ciid Wanaagsan

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk  

Advertisement

Ku Xayeysiiso