Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha KULMIYE Oo Tacsi Diray .

Gudoomiyaha KULMIYE Oo Tacsi Diray .

 

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

24 June 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Maxamuud Guray oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool oo ku geeriyooday magaalada Laascaanood xalay oo taariikhdu ahayd 23/06/2017.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdillaahi Maxamuud Guray masuul karti badnaa oo aqoon iyo waayo-aragnimo u saaxiib ahaa, isla markaana kaalin wayn gaadhsiiyey taageerada baaxadda leh ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay Gobolka Sool.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso