Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga iyo Xuska 26-ka June .

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha  xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka.

Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Hargeysa maanta, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda ciidul-fidriga, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu diray ciidamada qaranka Somaliland oo uu sheegay inay hawl adag bulshada u hayaan, waxaannu yidhi, “Waxan hambalyo halkan uga dirayaa ummadda Islaamka meel ay joogtoba, gaar ahaan waxan hambalyo farxadda ciidda u dirayaa dhammaanba ummada reer Somaliland gudo iyo dibad, waayeel, dhallinyaro, rag iyo dumarba, si gaar ahna waxan hambalyo ugu dirayaa oo aan ugu ducaynayaan ciidamada qaranka ee hadh iyo habeen nabadgelyada dalka iyo difaaciisa u taagan, ilaahayna haka abaal siiyo dhibaatada ay u maraan qarankooda, umaddooduna way og tahay.”

Guddoomiyuhu waxa uu bulshada kula dardaarmay in maalmaha munaasibadda ciidda lagu jiro la isu naxariisto, il gaar ahna lagu eego dadka jilicsan, “Ummadda reer Somaliland waxaan ku dardaarayaa inay isku naxariistaan oo ayaamaha ciidda dadka jilicsan ee fuqarada ah sida diinteenu ina fartay ay inala ciidaan oo loogu dadaalo xuquuqda sadaqo ee ay inagu leeyihiin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE waxa uu shacabka ku hambalyeeyey xuska 26-ka June ee sannad-guurada 57aad ee munaasibadda maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska.

Md. Muuse Biixi waxa uu hadal dardaaran ah oo sidii wax loo wada qabsan lahaa ah u diray shacabka reer Somaliland, waxaannu yidhi, “Munaasibadda 26-ka June waxaan ummadda reer Somaliland ku dardaarayaa; kow in aynaan guul ku gaadhayn haddii aynu ka baqanno duruufaha adag ee ina haysta oo xoogga dalku tahriibo, dhallinyarada dhibaato shaqo la’aaneed baa haysata waa run, qofku markuu shaqo la’yahayna wuu jahawareeraa oo waxa u muuqda tigaada dalalka kale ka muuqda inuu doonto, laakiin bal aynu is waydiinno tobankii sanno ee u dambeeyey ilaa tobankii sanno ee u dambeeyey maxay guul gaadheen? Xooggoodii iyo waxtarkoodii wuu innaga maqanyahay, boqolkiiba waxyar oo 1 ama 2% ayaa la odhan karaa waxbay baratay ama hanti bay ka heshay qurbaha, inta kale halkii ay tageen ayey ku xidh-xidhanyihiin oo ay nolosha la dagaalamayaan, faqri bay ka carareen, halkaana waxba kuma hayaan. Waad aragteen iminka inta shaqo doon ah ee dalka ku soo noqota ee shaqo ka doonaysa dawladda iyo dalkani waa intii dhooftay, hadday meeshaa (qurbaha) waxyaalaan kuwa dhoofaa fursadaha halkan yaala waxay u dayn lahaayeen kuwa dalka jooga.”

“Waxa wanaagsan innagoo isku tashanna sidaynu duruufahan uga bixi lahayn, dal ka liita dalkeenna oo ka roob iyo khayraad yar ayaa nimco laga soo saaraa, innagu dadkaa la mid uun baynu nahay, markaa waxaan ummadda reer Somaliland ku guubaabinayaa munaasibaddaa 26-kan June aynu fikrad iyo hal-abuur cusub oo ah in aynu shaqaysanno oo wixii xun iska qabanno oo yeynu ka qabanaynaa? Kow, dawladda hadday khaldan tahay waa in loo sheegaa, dawladdu waa inay noqotaa dawlad hufan oo lala xisaabtami karo, waxaynu bilownay dawladda qaybtan la yidhaa Maamul-wanaagga, waa curdin iminka bilaabantay ee waa in aynu xoojinnaa, markay dawladdu hufanto ayuun buu dalku horumari karaa, haddii kale waa la niyad-jabayaa oo la is xamanayaa oo waa la kala jeedjeedsanayaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso