Gudaha ka akhri qodoba ka badan tobaneeyo qodob oo xulafada gacanka ee Sucuudigu hogaaminaayo oo la hor dhigay dawlada Qatar iyo Qatar oo ku gacan saydhay

Dalalka Sucuudi carabiya,Imaraadka,Bahrain iyo Masar  ayaa codsi u diran dawladda yar ee Qatar,kun amray in mudo toban cisho ah gudohooda ay ku fuliyaan si looga qaado cuna qabtaynta xuduudaha,cirka iyo dulka.
Dalabkii Xulafadii oo qodobaysamhoos ka akri

2.In Qatar xidho saldhiga milatari ee Turkigu ka furanayo Qatar, degdegna u joojiso xidhiidhka milatari ee ay Turkiga la samaysatay.

3. In Qatar xidhiidhka u jarto dhamman ururada kala ah (Daacish, Nusra, Ikhwaanu Muslimiin, Xisbulaha, Alqaacida) kuna daraan liiska argagaxisada sida ay ugu dareen dalalka afarta ahi, xubnaha lagu tuhunsan yahayna degdeg u soo dhiibaan.

4. In Qatar joojiso  taageerada dhaqaale ee ay siiso ururadaas.

5. In Qatar Soo dhiibto qofkasta oo ay codsadaan afartan dal sida ugu dhakhsaha badan.

6. TV Aljazeera oo iridaha loo xidho iyo dhammaan qaybaha Warbaahinta ee Qatar taageerto.

7. In Qatar faragalinta ay ku hayso dalalkan afarta ah joojiso, dadka ay dhalashadooda siisan joojiyaan, kuway hore u siiyeena kala noqdaan soona tarxiilaan.

8. Magdhaw in Qatar bixiso dhammaan dadkii ku waxyeeloobay faragalintay dadkan afarta ah ku waxyeeloobay.

9. In Qatar noqoto dal la siyaasad noqda dalalka afarta ah, dhinac walba.

10. In Qatar soo gudbiso dhammaan kooxaha ay taageertay, dhaqaalahay siisay , magacayadooda iyo wax kasta oo ku saabsan.

11. Qatar in ay xidho dhamman warbaahinta ay dhaqaalaha ku bixiso kuwaas oo ay xuseen.

12. Dhammaan qodobadaas waa in ay Qatar ku ogolaataa oo kaga soo jawaabtaa muddo 10 maalmood ah, haday kaga soo jawaabi weydana waa ay laalmayaan qodobadani.

13. Haddii ay Qatar sidan ogolaato fulinta qodobadan waa ladaba galayaa Bil .Sadex bilood, sanad si ay u fulaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso