Magaca Somaliland maaha wax dhagax ku xordan ama hadalkii Ilaahay ee Quraanka.W/ Q : Alikhadar

Magaca Somaliland waa magac fiican laakiin dhibaatooyin kiisana wuu leeyahay sida Somaliya oo la ina kala garan waayo inta badan, ama waaba eray qalaad oo af ingiriisi wata (Land). Wadanka la odhan jirey Upper Volta waxuu la baxay Burkina Faso, oo micnaheedu yahay dalkii dadkiisa aan la fasahaadin karaynin ( Land of incorruptible people).


Markaas haddii ay reer Khaatumo yidhaahdeen magaca aynu bedelno waxaan qabaa in laga doodi karo oo aanay dhibaato ku jirin magac bedelista. Bal aynu magacyada qaarkood eegno hadaba, waxaynu la bixi karnaa Hargeysa Republic, waayo wadamada qaar ka mid ah waxa loogu magac daraa caasimada( Djibouti iyo Algiers).

Waxaynu kale oo la bixi karnaa Daraawiish Republic waayo daraawiishtu waa taariikh ku suntan dalkeena iyo isticmaar la dirirkii, muwaadinkana waxa loogu yeedhayaa darwiish. Waxaynu iyana kale oo la bixi karnaa Awdal Republic( waa xadaarad fac weyn), muwadinkana waxa loogu yeedhaa af ingiriis ahaan Awdalite. Waxaynu kale oo la bixi karnaa Gobstan ama Gobland ama Dalkii Gobta, muwaadinkana waxu af ingiriisida loogu dhawaaqayaa Gobite ama Gobian, oo hada gartoo gidigeen wada gob baynu markaas nahay( oo qofka qof kale ku yidhaahda inan gumeed waa lix bilood oo xabsi ah).

Ugu danbeyntii, abwaanada magacyada bixintooda ku fiican baynu odhan karnaa magac daadax ah inoo soo baadha. Hada hadaynu Somalilandteena ku qalajisanona belo kuma jirto, waayo tacab badan oo heesa iyo suugaanba ha noqotee, oo aynu 26 sanadood aduunka ka dhaadhicinaney baa magacaas innagaga jira.

Runtii imaantinkan Khaatumo iyo Hartiga intii kale ee innaga maqnayd waxay khasab iyo ka fursanwaa ka dhigaysaa Ictiraafka Somaliland, waayo Reer Somaliland oo isu dhan marka la helo, sandule ayey Somaliya ku noqonaysaa inay qaadato warqada furintaanka ee ay Somaliland markaas siiso.

Fiiro gar ah: kaftankan siyaasadeed waxuu u furan yahay uun reer Somaliland oo keliya.

W/Q: Alikhadar H. Osman

Advertisement

Ku Xayeysiiso