Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Tartamo Kubadda Cagta Ah .

-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa maanta si rasmi ah usoo xidhay tartannadii kubadda cagta ee bisha Barakaysan ee Ramadaanta ka socday garoomada Xawaadle iyo 31-ka May.
Munaasibadda gunaanadka tartannada garoomadan, ayaa waxa madaxweyne ku-xigeenka kala qaybgalay saraakiil xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan oo ay kamid yihiin wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Ciyaaraha iyo shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo Maxamed Cilmi Aadan, xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Maxamed Yoonis(Mustafe-waxdad), guddoomiye kux-xigeenka gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Hadhiye), waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo ka qayb galay daawashada ciyaarta gunaanadka ah ee labadan garoon ka socotay.
Ugu horrayn madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha wehelinayey waxa ka qaybgaleen ciyaarta kama dambaysta ah oo dhexmartay kooxaha Habboon iyo Barre Construction, ka hor intii aanay gool ku-laad ku guushu ku raacin kooxda Barre Construction.
Xubno ka mid ah maamulka garoonka Xawaadle oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugaga mahadnaqay booqashada madaxweyne ku-xigeenka iyo waftigiisu ku tageen garoonka iyo sida uu xisbiga KULMIYE muhiimadda u siiyey dhallinyarada kubadda cagta ku hawllan oo uu bixiyey dhammaanba agabka lagu ciyaarayey tartankaas oo ay koobabka la kala qaaday iyo billadaha kale ee ciyaaryahannada lagu abaalmariyey kamidka yihiin.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyey in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay ka go’an tahay dhiirrigelinta Dhallinyaradu, isla markaana ay waqti badan geliyeen sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha ciyaareed ee ay da’yarta kubadda cagta ku hawllani qabaan.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, ayaa ka hor intii aanu koobka guddoonsiinin kooxda Dhammays, waxa uu si weyn ugu mahadnaqay guusha ay kooxdaasi gaadhay, isaga oo sidoo kale dadweynihii garoonka ku sugnaana ku bogaadiyey sida akhlaaqda leh ee ciyaarta daawashadeeda uga qayb qaateen, waxana uu yidhi,“Kooxda ku guulaysatay, Ayaan si weyn u hambalyeynayaa, sidoo kale waxan aan bogaadinayaa sida deggen ee edaabtu ka muuqato ee uu tartankani inoogu soo gebogeboobay.”
Kooxda kubadda cagta ee Dhammays, ayuu madaxweyne ku-xigeenku halkaas ku guddoonsiiyey koobkii ay ku guulaysteen, isaga oo sidoo kale abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey ciyaaryahanaddii, tababarayaashii iyo shakhsiyaadkii kale ee shaqo wanaagga muujiyey intii uu tartankaasi socday, waxa kale oo uu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey xubno xisbiga iyo xukuumaddaba ka tirsan oo maamulka garoonku ku maamuusay wada-shaqayntii muujiyeen.
Dhinaca kale waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isugu jirey ee la socday ayaa u daawasho tageen ciyaar kama dambays ahayd oo ka dhacday garoonka 31-ka, taas oo dhexmartay kooxaha Somaliland Horn Group iyo Shacabka, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo daawashada ciyaarta ka qaybgalay.
Gebo-gebadii ciyaarta ayey guushu raacay kooxda Shacabka, waxana koobkii ay ku guulaysteen oo uu hore xisbiga KULMIYE u dhigay guddoonsiiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isaga oo ciyaaryahannadii kaalinta labaad galayna ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay muujiyeen.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso