Shilalka Wadooyinka waa Masuuliyadda Taliyaha Booliiska & W. Arrimaha Gudaha Macquul maaha in layska daawaddo Xasuuqa Gaadiidka.Ummada ku hayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kaashanaysa Booliiska ayaa masuulka ah amniga Gaadiidka iyo Wadooyinka (Traffic), Qoramadan waxaan u qaatay markaan arkay xasuuqa iyo dhiiga qulqulaya, maydka iyo dhaawaca joogtada, naafada iyo dhaqaale bubruka shilalka gaadiidku ku hayaan Ummadda, iyo Ciddii Masuuliyaddas lahayd oo Gabtay. Shilalka gaadiidku waa Masuubo qarran oo aan la qarsan karin, oo aan masuuliyadeeda laga warwareegi karin.
 
Masuuliaydda:-
  1. Booliiska Ciidanka illaalada Wadooyinka.
  2. Wasaradda Arrimaha Guddaha oo aan Booliiska ku dabo gelin Waajib gudashadooda shilalaka wadooyinka maareyntooda iyo xakamayntooda.
  3. Wasaarada hawlaha guud iyo Gaadiidka oo aan qorshe ka lahayn.
  4. Dawladaha hoose  waxay gabeen waajibaadkii wadooyinka.
 
Dhaliisha jirta ee u baahan in Booliiska iyo Wasaaradu baadhaan:-
 
  1. Magaaladda Hargeysa Baabuurta bac/beersoosha muraayadaha waa laga mamnuucay, Madaarka laguma geli karo oo waa la jeex-jeexayaa iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Dowlada. Waxaana gaadiidka laga xidhaa Persosha/bacda madow goobo 50 Talaabo (Spare-parts) u jira xarumaha iyo rugah Booliiska, ama Jijiga-yar, suuqa-weyn, iyo  meel kale. waxan dhici karta hadaad madaxda booliiska ehelkooda tahay, wasiir, maalqabeen caana,  ama xidhiidh fiican la lee dahay in lagu siidaayo oo aad telefoon kula hadasho. Meel kala saraynta sharcigu ku taal ma ogin.
  2. Xarunta Taraafikada ee New Hargeysa, gofka waxaa la xidhaa adoo aan shil gelin, xawaare ku socon, soo illaawey Liisanka Waddida Baabuurta, hadaad mayd la socoto, Bas caruursida, shaqo muhim ah ku socoto iyo hadaad qof buka sidato. sida magafaha kama baxaysid hadaadan lacag. waxaa yaal shatiyo ganaaxeed oo aan nidaam xisaabeedka qarranka waafaqsanay, lacagtaas laguma qabto Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska Cashuuraha Berriga oo ku qabsan taliska taraafikada NEW HARGEYSA waxa lagu qabtaa shatiyo  ama Mobile qof lee yahay baad ku shubaysaa Goor Booliiska Taraafikada iyo Ciidan Lacag urruriye noqday, Goorta Baarlamaanku ansixiyey Xisaabadka iyo Hanti dhowrka qaraanku an sixiyeen ee Golaha Wasiiradda la geeyey Waxaa looga fadhiyaa Xeer Lambarkaas.
  3. In Si joogto ah  qof 2, 3, 4, 5, 6, Shilal ku dhintaan maalinkasta 40 ku laxaad beelaan, oo ay caadi noqoto, oo aan cidna lagu canaan cidna loo xidhin, waa arrin dhaqanka xakamaynta shilalka ka baxsan, waxa Ciidanka illalinta Wadooyinku masuul ka yihiin illaalinta amniga wadda loo marayo, inaga waa xasuuq aan ciddi dan kalayn, oo shilka waraaqo laga qorqoro ah kanaa khaladka lahaa iyo reer hebel mag ha bixiyo dhagar qabihiina la sii daayo.. waa fool xumoweyn.
  4. Baabuurka Ciida sida ee 24 Ton ah, iyo Booyadda Biyaha sida ee 10 Ton ahm Iska roga dhagaxa sidda ee 10 Tan ah ee Masaajidka Tabliqiiyiinta, Shiraacle, Kaah, Maamuus, Xarunta Taafikada ku hor maraya Xawaare iyo Kaynaan dhan 120 KM/Saacdiiba  Hargeysa dhexdeeda ku maraya yaa Masuuliyadeeda leh?  Maxaa tuuga Muuska xaday loo xidhayaa Hadaan la xidhayn kan 1000 qof Khatarta gelianaya ee Jiidhaya, ee dhaawacaya, ee xoolaha iyo guryaha dusha kamaraya. Ee Maalin kasta dhacaysa joogtada ahi, Waa waajib gudsho la’aan masuuliyiintii loo xilsaaray. Waanay imanaysaa in gaadhi 50 qof jiidho hadaan wax laga qaban
  5. Baabuurka Madaxtooyadda iyo Cusbitaalka Fiidkii Suabaxa 120KM/Hour ku maraya Golis University, Guuleed Hotel, Saba Hotel, Gaafane Fuel station. Yaa qarranka masuul ka ah inuu talaabo ka qaado .
  6. Liisanka waa warqad, Baabuur kuna waa Bir, bacda madow midna shil masababo,  Qofka wadda ayaa shilka  geliya, ninkii 10 qof diley ee 4 jeer baabuurka ridey baa dareewal ah oo aan la xidhin hadda Toban Qof Buu qudha ka jaray.
  7. Boolisku isgaa ka masuula soo gudbinta  in la dhigo wadooyinka dhulka khatarta shilalku ka iman karaa Hump  Taag ku haboon in gaadiidku dh xawaaraha.
  8. BASASKA aradayda qaadaa Magaalada waxay ku maraan 60 KM/Hour, xataa gaadhi cusub oo Bireegu/joojiyuhu qabanayo maaha, 20/KM ayaan ba baabuurta dalka joogta lagu aamini karin waayo waa baabuur 10 iyo kabad jirtey.
Tallo soo jeedin.
  • Waa in gacan bir ah lagu qabto, waa in Booliiska oo dhan iyo Ciidamadda kale oo dhami iska kashadaan illaalinta Amniga Wadooyinka iyo Gaadiidka.
  • In dawladaha hoose ka hawl galaan yaraynta khatarta gaadiidka oo la helo Goobo gaadiidka la dhigto dhulka danta guud laga qorsheeyo, 10 sanno ee socda 1,000,000, Baabuur ayaa Hargeysa ku soo kordhaya weaa in qorshe loo sameeyo.
  • In wasaradda hawlaha guud doorkeeda ka qaadato, samaynta calamadaha hagida wadooyinka, samaynta iyo tilmaamida goobaha kala duwan, abuuridda dalcado/moosas hump ku haboon oo dhima xawliga iyo xawaaraha gaadiidka.
Waa in la xidho qofka 20-25KM/Hour kabada

xamse mohamed <xamse.moh1@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso