Gudaha Ka Eeg : Kulan Lagu Gorfeenayo Barnaamijka Siyaasadeed Ee Xisbiga KULMIYE Oo Hargaysa Ka Dhacay .

-Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ballaadhan oo lagu lafo-gurayey barnaamij-siyaasadeed xisbiga KULMIYE ugu talo galay doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda la qaatay dhallinyarada iyo aqoon ka kala socda jaamacadaha dalka.
Kulankan oo xarunta garabka dhallinyarada ka qabsoomay xalay, ayaa wax aka qaybgalay oo daah-furay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka garabka Dhallinyarada, saraakiil xisbiga ka tirsan aqoon yahanno madax bannaan iyo Dhallinyaro ka kala socotay jaamacadaha kala duwan ee dalka.
Ujeeddada kulankan loo qabtay oo ahayd sidii bahda aqoonyahanka ee wax ka barata jaamacadaha dalka looga qaybgelin lahaa barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE, isla markaana ay afkaartooda uga dhiiban lahaayeen, ayaa si weyn diirrada loogu saaray Afar qodob oo kamid ah tiirarka waaweyn ee udub-dhexaadka u ah Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga, kuwaas oo kala ah Dhaqaalaha, Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada, Siyaasadda Arrimaha DIbadda iyo Maamul-wanaagga, waxana si mug leh aqoon yahanka hortooda uga sharraxay xubno aqoonyahan ah oo xubnaha dhallinyarada xisbiga iyo qaar madax bannaanba isugu jira.
Sharraxaad hufan iyo faaqidaad ballaadhan oo qoddobadan si qoto dheer loogu sameeyey kadib, ayaa bahda aqoonyahanka Jaamacadaha ee madasha ku sugnayd waxa ay qaybtooda ka qaateen aragtiyahooda la xidhiidha qoddobada loo sharraxay ee barnaamij-siyaasadeedka xisbiga kamidka ah, waxana ay mid mid u dul joogsadeen meelo ay u arkaan in wax ka-deddel iyo kaabis lagu samayn karo.
Tallooyin iyo Tusaalooyin dhaxalgal noqon kara ayey xubnihii madasha kasoo xaadiray soo jeediyeen, waxana ay ka markhaati kaceen inuu Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE dalka horumar ballaadhan usoo jiidi karo haddii hirgelintiisa loo guntado.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu kelmado kooban madasha lagu gorfaynayey ka jeediyey, ayaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ka codsaday inay axadhaan, isla markaana faaqidaad dheeri ah ku sameeyaan Barnaamijka xisbiga, waxana uu u caddeeyey inuu xisbigu diyaar u yahay qaadashada talooyinka aqoonyahanka, maadaama oo ay yihiin hoygii Tacliinta.
Gorfaynta Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE, ayaa habeennada soo socda sii socon doonta, waxana, iyaga oo aqoonyahanka jaamacaduhuna sii wadi doonaan ku darsashadooda wixii talooyin ah ee ay muhiim u arkaa, iyada oo uruinta aragtiyadaha aqoonka kadibna qorshuhu yahay in Barnaamijka si toos ah bulshada loogu bandhigo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso