Sawiro : Faah-faahinta Shil Baabuur Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Hargaysa

Shil Gaadhi oo aad u Naxdin badan ayaa Maanta Galabnimadii ka dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa,Alle Haw Naxariistee Waxaa halkaa Ku Dhintay Saddex Qof oo hal Gaadhi wada saarnaa mid ka mid ahina wax uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Policekae oo Magaciisa la yidhaa Amarre, halka labada kalana ay ahaayeen Darawalkii Gaadhiga waday iyo Qof ka saddexaad oo ahaa Arday Da’ayara.

Labada Gaadhi ayaa mid kamid ahi Gubanayay waxaana halkaa gaadhay Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay gaadhiga weyn oo ahaa Gaadhi Shamboo sidayna Khudaar halka gaadhiga kalena uu ahaa Grand Marki II.

Waxaa iyaguna halkaa goobjoog ka haa Ciidamada Amaanka iyo Ciidanka Taraafikada ugu dambayna waxaa halkaa lagu qaaday Maydkii Amblunceka Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso