Gudaha ka akhro: “Dawladdu waxay sameeysay Hay’addo u gaar ah ilaalinta raashinka, dawooyinka iyo agabka dalka imanaya ,sida Hay’adda ilaalinta tayada, imikana waxaynu arkaynaa inay dalka wax walba iska yimaadaan..”

Hargeysa (Togaherer)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibadda iyo khilaafka ka taagan Khaliijka, ee keenay inay Xukuumadda Somaliland ay taageerto xulafada Sucuudiga, waxaanu kula taliyey Xukuumadda in aanay Siyaasada Arrimaha Dibadda ee dalka aanay curdin ka dhadhin.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay bariiska caaga ah ee dalka la keenay, sicir bararka wali taagan, Doorashada iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Saylac ee la xidhay, waxaanu ugu horeyn yidhi“Marka la leeyahay yaan lagu deg degin iyo yaan dhinac la raacin, waa arin muhiim ah oo u baahan in laga fiirsado, inkastoo ay ahayd in Dawladda Somaliland haddii ay dhinaca taageersayso inay wax muhiim ah ku doorsato, haddana waxa xaqiiqo ah in Xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo inay taageerayaal badan haystaan oo ay inaga maarmaan, markaas madaama xulafadu Sucuudigu ay helayaan taageerayaal badan, Dawladda Somaliland waxay doonaysaa inay iyadu Caalamka is barto, kolay shuruudahaas kalena mar kale ayey iska iman doonaan, waxaan se Xukuumadda kula talinayaa inay siyaasadeeda arimaha dibadda balaadhiso, sidii Xukuumaddihii hore oo aanay curdin ka dhadhin  oo ay mar walba ku dadaasho danta caamka ah, haddii ay Dawladdu taageertay xulafada Sucuudiga, wax dhib ah uma arko”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa mar uu ka hadlaayey Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac wuxuu yidhi “In Shuruucda iyo Sharciga dalka la ilaaliyo ayaa muhiim ah, Dastuurkana la xaq-dhawro, mar haddii Golaha Deegaanka Saylac cod aqbaliyad ah isku raaceen, in tooda loo raaco ayey ahayd, laakiin xadhigoodu waa xad-gudub, mana taageersani, waana ka soo horjeeda”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale mar uu ka hadlaayey Sicir Bararka wuxuu yidhi “Arinta Sicir Bararka inay Xukuumaddu aad uga dadaasho ayey ahayd, isku dayo badan iyo dadaalo badan oo ay wax kaga qabanayso wey sameeysay, balse waxa muuqata in ilaa hadda aanay si toos ah wax uga qaban, qaabkii looga baahna inay wax kaga qabatana kagamay qaban, haddii uu Sicir Bararku sidaas ku sii socdana dalku faraha ayuu ka baxayaa, oo halis baynu ku jirnaa, haddii ay sidaasina dhacdana dhib walba oo ka yimaada waxa masuuliyadda kowaad yeelanaysa Xukuumadda, ee waxaan Xukuumadda leeyahay awood Dawladeed saara,oo qiimaha Sarifka xakameeya, oo Sicir bararka xakameeya”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale mar uu ka hadlaayey Bariis caaga oo dalka lagu arkay ayaa yidhi “Dawladdu waxay sameeysay Hay’addo u gaar ah ilaalinta raashinka, dawooyinka iyo agabka dalka imanaya ,sida Hay’adda ilaalinta tayada, imikana waxaynu arkaynaa inay dalka wax walba iska yimaadaan, markaas waxay ahayd in wax walba oo dalka soo galaya inay Xukuumaddu masuuliyad iska saarto, oo ay eegto, balse dadkii khatar caafimaad buu ku sugan yahay madaama dalkii lagu arkay Bariis caag ah, markaas Xukuumaddu ha garato waajibka dadkeeda ka saaran oo caafimoodkooda ha ilaaliso, wax walba oo khatar ku ahna ha ka ilaaliso, ALLE wax ilaaliye”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “In badan bay Doorashadu dib inooga dhacday, dadkuna ma qaadi karo inay Doorasho dambe dib u dhacdo, markaas waxaan anigu soo jeedin lahaa Mucaarad iyo Muxaafidba, Komishan iyo Dawladba in doorkan xil la iska saaro qabsoomida Doorashada, si aanay mar dalbe dib inooga dhicin”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso