Duufaano Culus Oo Ku Kacay Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Ee Hargeysa +15 Xildhibaan Oo Saxeexay Mooshin Lagu Bedelaayo

Hargeysa(THN )- Mooshin xilka lagaga xayuubinaayo Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Mr. Cali Xasan Cawaale oo 22 April 2017 loo magacaabay xilka , ayaa maalmihii u danbeeyey ka istaadhan xarunta Golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa , xaaladan ayaa sida la sheegay waxa sal u ah kadib markii Xoghayaha cusub uu la jaanqaadi waayey nidaamkii shaqo ee ka socda xarunta dawlada hoose ee Hargeysa halkaas oo sida xoguhu tibaaxeen uu ku haftay baaxada culuska ay leedahay xilka Xoghayaha Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa oo aad u balaadhan.


Dhinaca kale xogo rasmiya oo aanu ka helnay ilo muhiima oo u dhawdhaw Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa ayaa waxa ay tibaaxeen in 15 kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa ay saxeexeen mooshin shaqada lagaga joojinaayo isla markaana Wasaarada Arimaha Gudaha ay kaga dalbanayaan in 20 cisho gudahood lagaga bedelo, isla markaasina xilka lagaga qaado.
Xoghayahan cusub ee muda bil iyo badhka ah xilka hayey ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu caqabad ku noqday nidaamkii shaqo ee ka socotay xarunta Dawlada hoose taasi oo sababtay in dhamaan ay istaagto  hawlihii baaxada lahaa ee ka socday xaruntan.
Dhinaca kale Xoghayahan cusub ee Dawlada hoose waxa lasoo darsay culays baaxadle oo kaga yimid dhinaca Beesha Bariga Hargeysa oo dhankooda kaambayn culus ugu jira sidii ay booskan u hantiyi lahaayeen, iyagoo isla markaasina ku doodaya in ay ka maqan yihiin dhamaan xilalka kala duwan ee caasimada iyo guud ahaan Dawlada dhexe , maadama oo ay beesha uu kasoojeedo Xoghayaha Dawlada Hoose Mr. Cali Xasan Cawaale ay isku haystaan Taliyaha Ciidanka Booliska , Badhasaabka Gobolka Maroodijeex iyo xilal Wasiirnimo oo dhawra oo ay kamid yihiin , Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka,Dhaqanka iyo Dalxiiska , Diinta iyo Awqaafta iyo Haayado iyo Komishano badan oo Dawliya
Iskusoo wada duuboo Xoghayahan cusub ee Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa u muuqda mid salaanka la waydaarinaayo isla markaasina ku guuldaraystay inuu la jaanqaado nidaamka maamul ee hada ka jira Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso