Abwaan Cabdi Waxid Cali Gamadii Waa Geesi Hiil Waayay !

Marka walaalkaa gebi-dhaclaynayo ee uu gardaranyahay hadaad gaashaanka u daruurto ood geed ku xidho iyo haddii aad garab istaagtaba marka uu gar-leeyahay ee la guhaadinayo, Hadda garo! laba jeerraba waad u hiillisay.

Waa Hiil Abwaan oo garab iyo garasho waayay ! Waa muwaadin dhibbane ah oo dhulkiisii ugu xidhan sabab aynaan moogganayn balse qofkastaa ka dheregsanyahay god-raaca laga qaniinay.

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid wuxu ka midyahay dadka inta kooban ee ku tilmaaman inay yihiin raasamaal ummaddeed. Wadar ahaan waynu isku waafaqsanahay qiimaha qofnimo ee Abwaan Gamadiid oo meel loo dhaafo garanmaayo, “وهوغني عن تعريف”

Garnaqsi iyo garawshiyo toona ku dul hakanmayno balse waxa la gaadhay wakhtigii aynu af-muggii kaga gilgillan-lahayn xadhiga muddo dhaafay ee Abwaanka.

Mudane Madaxweyne waxaad leedahay xaq dastuuri ah oo gaar kuu ah inaad ku cafiso ummaddaada qofkii gebidhacleeya iyo kii cadaaladdaro gudaha loo dhigayba.

Mudane Madaxweyne adiga iyo adeegayaashada u igman xogogaalnimada wacyiga ummaddaadu ku sugantahayba, waxaanu si sharaf iyo milgo leh uga codsanaynaa inaad Abwaanka xadhigiisa hoos u eegtaan.

Mudane Madaxweyne waxaanu mar labaad marti kaaga nahay inaad cafis Madaxweyne u fidiso Abwaankan xadhigiisu muddo dhaafay. Waxaan Mudane Madaxweyne rajeynaynaa In codsigan oo dareen bulsho ah aad tixgelindoontid.

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.

Hassan Ismail.

Advertisement

Ku Xayeysiiso