Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 19aad Fadliga ducada

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 19aad

 

Fadliga ducada

Duco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu, cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi, “Anigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.” Baryadu Alle SWT xaqa u lahaa haddaad cid kale la doonato adiga unbaa wax is yeellay. Ducadu is dhul dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso in aad gargaarkiisa u baahan tahay, la’aantiina aanad waxba helayn.

Cibaadadu waa in aad muujiso inaad tahay addoon baari ah, adiga oo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray in aad samayso, kana joogsanaya wixi lagaa reebay in aad fasho, markaasad tahay addoon dhab ah, oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado, Rasuulku CSW wuxu yidhi, “Ducadu waa cibaado.” Mar kasta oo aad Alle SWT barido isna agtaada ayuu joogaaye wuu ku jawaabi sidu Alle SWT sheegay, “I barya aan idinka aqbale.”  Soomaalidu waxa ay tidhaa, “Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku naca,” halka Alle SWT uu ka leeyahay “I baryaa aan idinka aqbale.” Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynnayaa.

Mar haddii aynnu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warrama kuwa iskala deeqtoonada inay Alle baryaan amase wax dan ah aan ka galin inay Allahood baryaan, Alle SWT wuxu yidhi, “Kuwa iska waynneeya baryadayda, waxay galayaan jahannama iyagoo dulaysan.”

ogow in uu yahay ka ka maaga inu Alle SWT baryaa mid ka quustay, Alle SWT sidu sheegay ba, “Addoomahayga u sheeg, oo ku dheh haka quusanina naxariista Alle,” taa soo muujinaysa damiir iyo imaan xumo qofka ka quusanayaa ma wuxu moodayaa in uu Alle ka dheer yahay, “Haddii ay ii kaa wayddiiyaan addoomahaygu u sheeg inaan u dhawahay, ka i baryayaa marka uu i baryayo, hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.”  Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno daro, subxanallah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso