Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 18aad Tobanka dambe ee Ramadaan

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 18aad

 

 

Tobanka dambe ee Ramadaan

Tobanka u dambeeya Ramadaan, waa habeennada ugu qiimaha badan habeenno uu Alle SWT abuuray, marka tobanka dambe soo gasho, waxa loo dadaallaa si ka sii wanaagsan intii hore oo dhan, Caa’isha Rc waxa ka sugnaaday, “Markuu bilaabmo tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhi jiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.” Markaa adna waa in aad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka toban kani soo galo. Inta badan dadku marka tobankaa dambe soo galo daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keentay in dardar galin xagga cibadadaa ah la sameeyo, waxana soo korodha cibaadada Tahajudka la yidhaa, salaadda oo firfircooni badan oo dadku u hayaan keenta.

Dadka qaar baa tobankaa dambe meheradahooga ku mashquula oo tobankaa ka dhigta maalmo ganacsi, sidaa darteed waxa aynnu leenahay waar laydinma diidana shaqadee tobankaana ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin inuu mar dambe idin soo mari doono.

Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago, Caa’isha Rc waxa ka sugan, “Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakin tobanka dambe hurdo way kala tagi jireen.” Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi dhaaf la wayddiisto isagana la xuso.

Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn la waynnaynayo, iyo in laga kor yeello xumaan, waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo

Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya, adiga oo khasab lagugu leeyahay  in aad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isna wuu ku xusayaa, Alle SWT wuxu ydih,i “I xusa aan idin xuse,”. … Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adoo dambi dhaaf wayddiisanaya, adoo xumaan ka kor yeellaya iyo adoo u mahad celinaya galladaha uu kugu deeqay dartii.

Sida oo kale xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa in uu dambi dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa Alle SWT waxa ka sugan, “Kuwa in badan Alle xusa, iyaga oo taagan, fadhiya ama jiifa.” Adoo iska jiifa ayaad Allaha xusaysa, adoo suuqa iska dhex maraaya, adoo shaqadaada ku jira.

Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso na deganaan, Alle SWT waxa u yidhi, “Ragga iyo dumarka Alle xusa, wuxu u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso