Habka wax looga qaban karo shuban biyoodka ku habsadey Somaliland W/Q : Kawsar Aided Abdi

Daacuun caloolo (Cholera) waa xanuun shuban biyooda oo ay keento Bacteria Vibrio Cholera loo yaqaan, inta badan waxaa la isugu gudbiya biyaha ama cunto uu gaadhay saxaradii bukuhu. Waa shuban biyood khatara oo qofka ku ridaya fuuq bax dhakhso ah, inta badan shubanka waxa la socda hunqaaca fara badan marka bukaha waxa ku dhaca  (hor iyo dabo).

Hadaanu bukuhu helin daryeel iyo daaweyn saxa sida fuuqcelin dhakhso (Rehydration) iyo dawooyinkii antibiotics ahaa waxaa ku dhacaya fuuq bax dhakhso ah waxaana laga yaaba in dhakhso u dhinto.

Haddii qof daaweyntii, fuuqcilintii rehydration iyo daryeelkii u baahna helo waa la badbaadin kara muddo yar. Heerka dhimashada bulshada marka si fiican loo control waa wax ka yar 1% (case fatality rate is less than 1 %).

Aniga waxaa ka mid ahaa shaqaalihii wasaarada caafimad ka shaqeynaya laanta caafimaadka qaxootiga RHU.  March 22, 1985 waxa cudurka daacuun calooluhu (Cholorea) ku dhacay xera qaxootiya oo ku taala Hargeysa xaafada la odhan jirey Gannet tirada xirada qaxootiga ku jirey waxay ahaayeen 45,000 qof. Daacuunkii kumuu koobnaan xeradii Gannet wuxuu ku faafay xeryihii kale ee qaxootiga ee ku yaaley gobolka waqooyi galbeed iyo dadkii deeganka ahaa magaalada Hargeysa iyo agagaarkeeda, goobta ugu weyn ii karantiinka loo isticmaali jirey dadka lagu daweyn jirey waxay ahayd goob uu bile rafle u dhisey dalxiiska ee u dhaw tuulada Hallaya bariga hargeysa.

 

Saddex billood gudohood wuxuu xanuunkii soo riday dad fara badan oo isgu jira qaxootigii iyo dadkii deeganka ah tirade dhimashaduna waxay gaadhay 1,262 qof.

Waxa yaabaha sababey in dilaaco daacuunkaasi waxa sabab u ah waxay ahayd xilligii gu’ga oo roobab badan baa da’y iyo qaxootiga degaana xerada ku taalay Hargeysa Gannet oo nadaafadeedu aad u hooseysey iyo qaxooti badan oo Ethiopia ka imanyey oo xanuunka la yimid.

 

Hadaba waxaa muhiima madaama cudurka daacuunku ama Cholerea yahay cudur khatar ku ah dadka degaanka iyo xeer caalamiba ahna cudur si dhakhso ah u faafaya waxa haboon qaranka Somaliland ka yeesho qorshe iyo taabubushe cad oo ka jira dhamaan gobolada degmooyinka dalka iyo xidhiidh adag oo haayada dawlada iyo haayadaha samafalka ka dhaxeeya oo haddii cudurkani dilaaco lagag jawaabayo.

Ilaa hadda dawlada Somaliland kumay dhawaaqin in shuban biyoodkani yahay Cholorea iyo in kale lakiin waa in loo diyaar garooba dacuun caloola ama Cholera sidii looga hortagi lahaa loona daaweyn lahaa.

Waxa haboon in lala kaashada ka hor tagiisa hayadah caalimga ah ee wadanka jooga sida: WHO, Save the children fund, Uncief , UNHCR iyo haayadaha kale ee jooga.

Waxa kale oo wadanka gudihiisa ku sugan rag khabiira ah wadaniyiina oo ka soo shaqeeyey aafada daacuunka marka waxa fiican in la isticmaalo shaqaalihii wasaarada caafimaad laantii qaxootiga (RHU) raga aanu wada shaqeyn jirey ee wadanka jooga waxa ka mid ah inta aan ogahay: Dr Mohamed Warsame Dualle, Dr Hussein Xoog, Dr Suleman Mohamed Guleed, Dr Garaad, Dr Abdikarim, Dr Mohamed Abdirahman, Mohamed Dahir Kheyre, Husein shine iyo nin khabiirka ku ahaa sheybaarka ama Laboratory Abdillahi Mohamed Gulled intaas iyo in badanba Hargeysa ayey joogaan aqoon gaarana way u leeyihiin halaga la tashado  aqoon xeel dheer ayey u leeyihiin (Expertise). In kaloo badan oo RHU dibedaha ayaanu joogna diyaarbaanu u nahay inaanu wadanka soo gelo arrinkan ka qeyb qaadano.

 

Waxaan soo jeedinayaa in la xoojiyo ka hor tago lana hello nadaafad iyo biyo nadiifa.

In la karintimeeyo dhakhsana loo daweeyo cid cudurku haleelo

In gobol kasta iyo degmo kasta lagu kadiyo laguna diyaariyo daawoyinkii iyo agabkii lagula dagaalamayey cudurkan.

 

Waxaan aad ugu mahad naqaya gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muse Bixi Abdi iyo dawlada Somaliland oo dadaal iyo wax ka qabasho muujisey. Waxaan kaloo aad u hambalyeynayaa wasaarada caafimaadka madaxdeed iyo shaqaalaheedaba

 

Kosar Aideed Abdi

MSc Public Health

Manchester

United Kingdom

Kosaar123@yahoo.co.uk

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso