Gudha ka akhri: Wasiir ka tirsan Dawlada Qatar Ayaa Gaadhay Magaalada Muqdisho uguna mahad Naqay Fasxida ay u fasaxday Hawadeeda oo ilaa hadeer ay isticmaalayso

Waxaa Goordhawayd magaalada Muqdisho  soo gaaray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi , waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada.


Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa xiligan kulan kula leh magaalada Muqdisho madax katirsan dowlada Soomaaliya uu ku jiro Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khere, waxa ayna kawada hadlayaan xiisada ka taagan Wadamada Khaliihjka Carabta. Sidoo kale Sultan Ayaa uga mahad celiyey Goanka Geesinimada leh ee ay ka Dawlada Somaliya ka qaateen Khilaafka ka dhextaag Dawladaha Khaliijka Waxaanay sidoo kale Ku hambalyeeyey Fasaxida Ay u Dawlada Somaliya u fasaxday In hawada Somaliya ay isticmaal taas oo ilaa hada ay isticmalayaan.

Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulan la qaato Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa ayna labada dhinac sidoo kale ka hadli doonaan khilaafka Khaliijka ka taagan iyo sidii Soomaaliya u taageeri laheed dalka Qadar.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiligan ku jahwareersan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Wadamada Khaliijka Carabta, waxa ayna Dowlada wali go’aansan la’dahay cida ay la jirsaneyso labada dhinac ee is haya.
War dhawaan ay soo saartay Dowlada Soomaaliya ayaan labada dhinacba lagu taageerin, waxa ayna dowlada sheegtay in ay ka xun tahay khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Wadamada Khaliijka Carabta, waxa ayna ku baaqday in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo Khilaafka taagan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso