Gudaha Ka Eeg :Dalladda Guud Ee Jaalliyadda Somaliland Ee Holand Oo Taageertay Go’aankii Xukuumaddu Ka Istaagtay Khilaafka Siyaasadeed Ee Wadamda Khaliijka .

Dalladda Guud ee Jaalliyadda Somaliland ee Holland SSNL

oo taageertay go’aanka ay Xukuummaddu ka qaadatay

khilaafka siyaasadeed ee Waddamada Khaliijka

 

Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Holland waxay halkan hambalyo iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Somaliland iyo Golaha Wasiiradda J.S.  go’aanka geesinimada leh ee ku wajahan Xiisadda  siyaasadeed ee dalalka Khaliijka.

 

Go’aankan ku-dhaca leh ee taariikhiga ahi waa fursad siday ahayd looga faa’idaystay laguna xaqiijinayo Madaxbannaanid iyo qaranimada  Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waa mid sida dhayda u caddaynaya in Somaliland tahay qaran gooni u taagan oo taladiisa aan cidna u daba fadhiisannayn cidna aan marti uga ahayn.

 

Waa mid daaha ka fayday in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad firfircoon oo doorkeeda ka ciyaari karta siyaasadda adduunka.

 

Waxay tani markhaati ka tahay mas’uulnimadeeda iyo garashada waajibka ka saaran ammaanka mandaqadda iyo guud ahaan caalamkaba.

 

Waa tallaabo hore loogu qaaday hanashada kaalinta kaga aaddan xil-gudashada dunida iyo xaqiijinta gooni isu taagga qaranka Somaliland.

 

Wuxu qaraarkani fashiliyey Dawladda Meynooratiga ah (Minority) ee martida Xamar ku ah,  magantana AMISOM  u ah ee had iyo jeer ku andacoon jirtay in ay iyadu wakiil ka tahay Somaliland.

 

Mawqifkan Somaliland ma aha mid ku salaysan saaxiibtinimo keliya iyo inay cid ku raalli geliso balse  waa mid ka tarjumaya mabaadiideeda aasaasiga ah ee ka dhanka ah  argagixisanimada. 

 

Xasaradda Khaliijka ka oogani waa dagaal u dhexeeya argagixiso iyo inta nabadda jecel, sidaa awgeed ma ah mid gorgortan iyo waanwaan  laga geli karo ee waa mid u baahan go’aan qaadasho cad oo aan qiiq isku qarin iyo laba boglayn ahayn. Sida dawladda Farmaajo (Beerka jecli, xaydha jecli iyo dhuumasho dabarku muuqdo !!!!!!)

Allaah mahad leh

 

Somaliland Society in the Netherlands

Ali Xaruuri

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso