Wardegdeg ah : Gudida Doorashooyinka Qaranka Oo Warqadii Cayimaada xiliga ay Qabsoomayso Doorashooyinku u gudibiyey Madaxweyne Siiraanyo + Laba milyan oo Ay bixiyeen Xukuumadu

Gudida Doorashooyinka Somaliland Ayaa Hadeer u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland md Axmed Siiraanyo Warqadii Ay ku cayimayeen xiliga ay Doorashooyinku dalka  Qabsoomayaan.

Gudida Doorashooyinka ayaa Kadib markii ay Mudo Falanqaynayeen Xiliga ugu haboon ee Ay Doorasho qabsoomi karto Ayey goaan sadeen in ay u  gubiyaan  Warqadan  Madaxweynaha  Somaliland Axmed Siiraanyo Sido kale waxaa la filayaa in madaxweyne Siiraanyo Oo Tigreeto madaxweyne Ku meel marin doonyo Xiligan ay gudida Doorashooyinak Somaliland ku cayimayaan in ay Qabsoonto Doorashooyinka dhawaan laga filaayey in ay ka dhacaan Dalka Somaliland.

Warbaahinta Togaherer oo Heshay Xogtan ku saabsan Warqada iyo gudbinteeda  ayaa waxaa Gudida doorashooyinku u cayimeen in ay qabsoonto doorashooyinka 13 November 2017  taas oo la filaayo in madaxweynuhuna Aqabali doono kuna doogi doono Ansixinteeda.

 

Sidoo kale waxaa Xukuumada Somaliland Maanta ay gudoonsiisay Gudida Doorashooyinak Somaliland Laba milyan oo ka mid ah afartii milyan ee ay ku balan qaadeen in ay kaga qayb qaadanayaan Kharashka ku baxaaya doorashooyinka.Halka labada milyan ee hadhay ay ku balan qaadeen in ay bixnayaan  bisha sideedaan ee inagu soo aadan .

Isku Soo wada duuboo Arimahan is huwan ee ah Gudbinta Warqada Cayimaada Qabsoomida Xilig Doorasheedka Somaliland iyo Bixinta Kala badhn Kharashkii ay ku balan qaadeen Xukuumadu in ay kaga qayb qaadanayaan Qabsoomida Doorashooyinka Ayaa Noqonaysa Ifafaalo Soo noolaynaysa Rajadii laga qabay in ay Doorasho qabsoonto Taas oo Noolaynaysa Ididiiladii laga qabay in ay doorasho ka qabsoonto Dalka Sidoo kalena waxay meesha ka saaraysa Ididiilo Xumadii ahayd in Anaay doorasho dhici doonin Xiliyadan Inagu soo aadan taas oo dadku sababo badan ay ku sifaynayeen. Gunaanadkii Waxa ay Talo hor taala madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo iyo Sidoo warqadaas ka yeelo iyo Fulinta Bixinta Lacagtii ay ku baaqday Xukuumada taas oo kala badh ay hadeer bixiyeen inta kalena ay ku balan qaadeen.

Wixi warar ah ee ka soo kordha ku hay insha warqabadka togaherer

 

Oo Warqadii Cayimaada xiliga ay Qabsoomayso Doorashooyinku u gudibiyey Madaxweyne Siiraanyo

Advertisement

Ku Xayeysiiso