Wardegdeg ah : Dagaal Xoogan oo Hadeer ka socda Deegaano hoos yimaada Shabeelada Hoose kaas oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamda Somaliya oo garab ka helaayo AMISOM

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo dagaalyananada Al Shabaab uu xiligan ka soconayo deegaano katirsan gobolkaasi.


Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Huwanta iyo kuwa Al Shabaab ayaa xiligan ka socda deegaanka Tooro-Toorow iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw, waxaan dagaalka la isku adeegsanaya hubka culus iyo kuwa fudud.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa doonaya in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Tooro-Toorow iyo deeganao kale ay ku xoogan yihiin Al Shabaab, waxan dagaalka uu saakay bilowday xili hore kadib markii ciidamada huwanka ay duulaan qaadeen.

Dhinaca kale Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa maanta dagaal xoogan kadib la wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale ay maamulayeen Al Shabaab, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

Saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowlada oo duulaanka ku qaaday deegaanada Al Shabaab ayaa sheegay in ay doonayaan in guud ahaan Al Shabaab ka saaraan deegaanada iyo degmooyimnka ay ka joogaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in a bilaabeyso duulaan ka dhan ah dagaalahanada Al Shabaab, lamana oga howlgalka maatna ay bilaabeen ciidanka Milatariga Soomaaliya in uu qeyb ka yahay kii horey loo qorsheeyay iyo in kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso