Gudaha ka akhri: Qodobada Somaliland seegay qaar ka mida iyo Saamaynta ay yeelan doonaan W/Q: Abwaan Mubaarik M Qoorbaxay

Waxaa inoo muuqatay inay fursad qaaliya oo somaliland soo martay ahayd oo si fudud loo dayacay, ayna u baahnayd in si xarago leh loogu guulaysto. Waxa kale oo inoo cadayd in siyaasad ahaan Somaliland iyo Soomaaliya kala aragti siyaasadeed noqon doonaan;
-Maadaama oo xitaa ra’iisal wasaaraha iyo agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya uu yahay mid ay keensatay Qatar.


-Maadaama oo ay jirtay caddaawad taariikheed oo dalka Sucuudigu u geystay ummada reer Soomaliland xilliyo adag oo ay u baahnaayeen, taas oo ku soo siman ilaa waqtigii xukuumaddii Siyaad Barre.
-Maaddaama bulsho badan oo reer somaliland ah oo ku nool wadanka Qatar ay jireen, go’aanka aad qaadataana saamayn balaadhan ku yeelanayo.

-Maadaama oo sidan oo kale ay ula xidhiidhi doonaan Maamul goboleedyada Soomaaliya, sida Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Jowhar si ay xukuumada Farmaajo ugu qasbaan inuu ogolaado tay doonayaan, inaguna u baahanay in la inoola macaamilo si ka duwan Maamul goboleedyada Soomaaliya.

– Maadaama Somaliland ay kala xidhiidh furan doonaan wadanka Turkey oo taageero laxaad leh la daba taagan xukuumada Soomaaliya, ayna muuqato inay istaagayaan danihii Somaliland ay kala hadli lahayd dawlada Turkey iyo inay Fiisaha ku bixiyaan baasaboorka Somaliland. Welibana ay caqab ku imanayso wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

-Maadaama dadka reer Somaliland culimadoodu u qaybsan yihiin dhawr kooxood oo qoloba dawlad ku xidhan tahay, suuragala ay tahay in go’aankani in uu qololana ka farxiyo, qolada kalena ka cadhaysiiyo. Waxoogaa khalkhal diimeed ahna ay horseedi karo.

-Maadaama ujeedada ugu weyn ee Maraykanku doonayey tahay burburinta dawladaha muslinka ah, arintuna aanay isku taagaynin Qatar .

-Maadaama Telefishanka Aljazeera uu yahay ka keliya ee dal carab ahi leeyahay ee warbixino joogto ah ka diyaariyey, xasuuqii iyo dhibaatadii loo geystay shacabka reer Somaliland, iyadoo aanu jirin dal kale oo carbeed oo samayn karaya inuu arintaas ku dhiirado.

Sababahaa oo dhan godobta iyo go’aan danneedka siyaasadeed ee aad qaadanaysaa wuxuu ahaaa mid u baahan caqli aad u weyn, waxyaabaha ii muuqday ee Somaliland seegay.

1- Waxay ahayd ugu horaynta inay goobjoog ahaadaan madax iyo Masuuliyiin ka mida cida aad taageeraysaa, goobtana ka sheegaan dhinacyada ay kaa taageerayaan iyo waxa ay kuugu doorinayaan garab istaagistooda oo shir jaraa’id la qabtaan masuuliyiinta Somaliland.

2- Warqadu waxay ahayd in lagu qoro luuqado qalaad sida carabiga iyo Ingiriisida, islamarkaana loo yeedho saxaafada caalamiga ah mid kastana la siiyo nuqul gaara.

3- Inay warqaddu noqoto mid ka soo baxday madaxtooyada Somaliland oo wadata astaantii iyo summadii qaranka ee aanay u muuqanin mid lagu soo garaacay Teeb gaboobay. Islamarkaana warqada ay ka muuqato inuu yahay warsaxaafadeed ay labo dawladood soo wada saareen oo kale.

4- In go’aamadaas ay ka mid ahaadaan qaar ogollaanaya in baasaboorka Somaliland lagu tago Sucuudiga, UAE iyo dalalka kale ee xulafadda la ahba.

5- In dawlada sucuudiga xoollaha nool toos uga qaadan doonto Reer Somaliland.

6-In maalgashi balaadhan iyo taageero ciidan oo saanad culus ah ay Reer Somaliland ka hesho dalalkan.

7- iyo dhawr qodob oo kale oo aan qoraalka ka daba keeni doono.

Advertisement

Ku Xayeysiiso