Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 16aad Fadliga cibadaada habeenki (2)

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 16aad

 

Fadliga cibadaada  habeenki (2)

 

Hase ahaate xilligii Cumar ina Khadaab Rc ayaa la tukaday salaadda Taraawiixda, oo habeen walba bacda cishaha la tukan jiray, iyada oo qofkii doona tukan jiray kii kale na aan la eedayn jirin, sidaasanay ku noqotay salaad illaa imika la oogo. Inta rakcadood ee la tukada waa kow iyo labaatan, saddex iyo toban ama kow iyo toban ba waa tiro sugan, se mid baa muhiim ah in la ogaado, taa soo ah salaadda marka aad tukanayso waa in aad tukaddaa salaad xasiloon oo aan dadajin lahayn.

 

Habeennimada Ramadaan qofka u kaca salaadda Rasuulku CSW wuxu ugu bushaareeyey dambi dhaaf iyo naxariis, “Qofka kaca Ramadaan, isaga oo u kiciyey iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

 

Waxa kale oo la dhiirigaliyey in aad salaadda aad tukanayso ee aad kula tukanayso jamac habeennimada Ramadaan aanad dhexda ka jarin ee aad la dhamayso imaamka sida Rasuulka CSW ka sugan, “Qofka u kaca salaadda ee la tukada imaamka ilaa intuu ka dhamaynayo, wuxu la mid yahay qof habeenkii oo dhan salaad u taagna.” Sidaa waxa leh ergaygii Alle SWT, haddii aad imaamka la dhamaysato waxa aad helaysaa darajadaa sare.

 

Inta badan waxa aynnu u hiranna hawl kasta oo aynnu qabanayno in aynnu ku helno abaal celin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labban laabta hawlkarnimadaadi, taasood ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaal gud aanad filanayn xaddigeeda.

 

Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan, “Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.” Xadiiskaasi wuxu bidhaaminaya in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso.

 

Sida oo kale waxa lagu soo afmeera oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha,Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday, “Habeenka laba witri kuma wada jiraan.” Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee u ku soo afmeeray salaadda la tukan maysid.

 

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, “Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso