WADDANI: Waa xisbi ay ku hirdamayaan kooxo kala Aragti,Dan iyo Siyaasad duwan.

WQ:Maxamed Dahir Axmed

Waa xisbi ay ku hirdamayaan kooxo kala Aragti,Dan iyo Siyaasad duwan.

1.Kooxda Damuljadiid ee Xirsi iyo Cabdirasaaq khaliif hogaamiyaan.

2.Kooxda Musdanbeedka ka talo qaadata sida Siciid sulub iyo Duur.

3.Kooxda Xamar ka talo qaadata sida Bubaa.

4.Koox dhalinyar ah oo maararow siyaasada ka dhigta,saxaafadana qaylo la tagaan,balse aan talada xisbiga waxba ku lahayn,shirarkana laga qarsado.

5.Siyaasiyiin Mudakar ah oo sawir ahaan uun mararka qaarkood meelahaa ka soo muuqda balse aan bulshada ku dhaamin waxa ka dhex socda xisbigooga.

6.Iyo Murashaxii xisbiga Mudane Cabdiraxman Cirro oo dhaga barjaysan,xifiltankan kooxahana ku dhex dawakhay,go’aan iyo ku dhac uu ku kala hagana aan lahayn,balse daawade ka ah mawjadaha ka dhex socda xisbigiisa.

WQ:Maxamed Dahir Axmed

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso