Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Soomaaliya oo Hungo Kala Soo Noqday Safar uu ku Tagay Xafiiska ICAO ee Nairobi iyo Xarunta Guud (ICAO Headquarters, Montreal, Canada)

Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Dawlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad, ayaa safar dhawaan ku tegay Xafiiska, ICAO Fiss Nairobi waxana uu halkaasi shir kula yeeshay gabadha la yidhaado  Ms Valentina isaga oo Wasiirku u sheegay in uu  doonayo in hawada Soomaliya lagu soo wareejiyo, balse gabadhan ayaa waxa ay ku wargalisay in uu tago Xarunta ICAO ee Montreal, Canada.

Wasiir Maxamed C/laahi Salaad waxa uu tagay Xarunta guud ee ICAO, (ICAO Headquarters, Montreal, Canada), waxaana uu halkaasi kula kulmay xoghaynta Guud ee ICAO Dr, Fang liu iyo Madaxa Farsamada ee ICAO Montreal Mr. Ivan Galan, waxana uu u soo jeediyey qorshihiisii ahaa in Hawada Soomaliya lagu soo wareejiyo, bal waxa ay ku war galiyeen in qorshaha ICAO yahay in ilaa 2018 la qalabeeyo Madaarada Soomaliya iyo Somaliland, sida Muqdisho, Hargaysa, Boosaaso iyo Kismaanyo, wixii intaa ka danbeeyana ay ICAO awood u leedahay in ay sii maamusho Hawada Somaliya, ilaa inta laga heshiinaayo.

Dhanka kale waxa Shir Hawada Soamliya laga hadlaayo  lagu  marti qaaday Wasiirka Duulista Somaliland oo ka dhacaaya  Nairobi Kenya, balse Wasiirka Duulista Somaliland oo hada Safar Jabuuti ah ka soo laabtay ayaa u igmaday Wasiir Kuxigeenkiisa Guuleed Maxamed Shire oo hada isagu ku maqan.

Waxaa wakhtigan iska cad odhaadii Wasiirka duulista Somaliland ee ahayad, “Warqad qoraal ah ayaan ka helay Xarunta ICAO ee Montreal oo waxa ay nagu war galiyeen in aanay dhacay in ay dhinac ku wareejiyaan hawada, oo kama shaki qabo.”

Ismail Ali Ahmed <dubaarmg@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso