Murashaxiinta U Tartamaysa Doorashada Madaxtooyada 2017,Keebaa Leh Tayada Hogaamineed Ee Lagu Dhisi Karo Haayadaha Dawlada,Nidaamka Dawliga Ahna Dib U Habayn Iyo Casriyan Loogu Samayn Lahaa?

 

 

WQ:Maxamed Dahir Axmed

Africa  oo ay Jamuuriyada Somaliland ka mid tahay waxa nidaamka dawladnimo daciifiya haayado fadhiid ah iyo hab maamul duugoobay,oo gumaystayaashii Africa ka tageen.

Africa gaar ahaan wadamada dagaalada ka soo kabtay waxa adag in hawlaha caynkan ah laga fuliyo,sababo dhaqan dhaqaale awgeed.

Hirgalinta nidaam waara oo dib u habayn ah (Sustainable reforms),waxa ay u baahantahay qorshe qaran oo ku tacaluqaya dhisada haayadaha dawliga ah iyo habaynta hab maamulka dawladeeed(Instutional reforms and public sector reforms),balse barnaamijyada dib u habaynta in ta badan ay  ka wadaan deeqbixiyayaashu dalalka Africa si dhamaystiran ooma hirgalo,waayo marka hore ayaanu ahayn qorsha ka yimid hogaanka dalkaa amba dalalkaa (National owned),oo ay badhi taarayso doonitaan siyaasadeed(Politica will),waayo dhisada haayadaha dawliga ah iyo dib u habaynta nidaamyada dawliga ah waxa ay u baahantahay hogaamiye leh astaamaha Madaxwaynaha Rwanda iyo Raisal wasaarihii hore Ethiopia Ato Meles Zenawi marka Africa laga hadlayo.

Labadaa hogaamiye waxa ay ugu guulaysteen dhisida haayadaha dawliga ee dalalkood,iyagoo  iyaga laftoodu waa Kagame iyo Melez rabay in  la casriyeeyo nidaamka dawlanimo lana hirgaliyo qorshe qaran oo la xidhiidha dib u habaynta nidaamka maamulka iyo kobcinta awoodaha iyo shaqo gudashada haayadaha dawliga,run ahaantiina way ku guulaysteen.

Somaliland waxa ay si aad ah ugu baahan tahay in dib u habayn lagu sameeyo lana casriyeeyo haayadaha dawlada iyo nidaamkeena dawladnimo. Meelaha aadka ugu baahan in dib u habayn lagu sameeyo waxa ka mid ah nidaamka wax soo iibsiga dawlada (public procurement reform),nidaamka cashuurta (Tax reform),nidaamka hantidhawrku u shaqeeyo (Audit reform),nidaamka cadaalada (justice reform),dib u habayn lagu sameeyo arrimaha bulshada sida biyaha,waxbarashada,iyo caafimaadka(social sector reform),iyo dib u habayn laga sameeyo nidaamka cunta soo saarka sida kaluunka,xoolaha,beeraha,deegaanka iyo isbadalka cimilada (food cluster reform).

Hadaba,raga u tartamaya doorashada Madaxtooyada 2017,ma yihiin qaar sidaa Melez iyo Kagame dalkooda Jamuuriyada Somaliland  u samayn kara qorsha qaran  oo maamulka dib u habaynt loogu samaynayo oo aan ahayn mid deeq bixiyayaashu wataan?

Murashaxa Kulmiye,Mudane  Muse Biixi cabdi ayaa leh dhamaan astaamihii looga baahnaa hogaamiyaha samayn kara isbadal bulsho,isbadal hab maamul iyo isbadal dhaqanba,sabab too ah waa hogaamiya leh ku dhac,go’aan qaadasho,iyo shaksiyada adkaysi leh taasi oo u sahlaysa inuu ka gudbo caqadaha uu wato isbadalku ee isbadal diidku la imanayo.

Dhinaca kale,Murashaxa xisbiga Waddani Mudane Cabdirahman Cirro ma laha ku dhac,hogaamintiisuna way jilicsan tahay,sidaa daraadeed waligii isbadal ma samayn karo. Tobankii sanno ee uu gudoomiyaha baarlamaanka ahaa waxa isbadal ah kuma samayn guud ahaan shuruucda dalka gaar ahaan isbadalada sharci ee dalku u baahan sida kuwa aan kor ku xusay,waayo isbadalka waxa lagu sameeyaa sharciyo cusub in la dajiyo iyo in isbadal lagu sameeyo shuruucdii hore,taasi oo  aanu waxba ka qaban intii gudoomiyaha baarlamaanka uu ahaa,haduu Madaxwayne noqdana sidaa uunbuu kursiga isaga fadhiyayaa isagoon samayn isbadalad dhaqan dhaqaale ee bulshadeenu u baahan tahay.

WQ:Maxamed Dahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso