Maxaad Ka Taqaanaa Dalka Qatar Ee Ku Yaala Galbeedka Qaaradda Asia

Maxaad Ka Taqaanaa Dalka Qatar Ee Ku Yaala Galbeedka Qaaradda Asia

Dalka Qatar Waa Dal-carbeed Waxaana Uu Ku Yaala Galbeedka Qaaradda Asia, Waxaana Uu Xaduud Dhuleed La Leeyahay Dalalka  Ay Kamid yihiin Sacuudi Carabiya  Iyo Dalka Baxreyn Waxaana Ku Hareeraysan Gacan Biyoodka Persia Iyo Gacanka Qatar, Tirada Dadka Wadanka Qatar Waxaa Lagu Qiyaasaa 1.8 Million Oo Qof 278,000 Oo Ka Mid Ah Ayaana La Sheegaa Inay Muwaadiniin Dhalad Ah Yihiin Halka 1.5 Million Ay Yihiin Dadka Dalkaasi Tagay Oo Dhalasho Qaatay, Bedka Dhulka Qadar 11,571 Km2 Waxaana Uu Dalka Madaxbanaanidiisa Ka Qaatay Gumaystihii Ingiriiska 3 Bishii September-1971, Lacagta Dalka laga isticmaalo Waxaa La Yidhaahdaa Riyal, Waxaana Uu Ka Kooban 7 Gobol. Waa Dal Uu Ka Jiro Nidaam Ah Boqortooyo Ah Talada Dalku waxay ka Go’daa Boqorka,  Dalka Ka Jira Dawlad Leh Baarlamaan Iyo Gole Xukuumad. Luuqada Wadanka Waa Carabi, Boqorka Wadanka Oo Loogu yeedhaa Amiirka dalka magaciisu Waxaa La Yidhaahdaa Tamiin Bin Xamaad Al-Thani Raisal Wasaarahana Waxaa magaciisu waxa weeye Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, iyadoo taasi ku tusayso in dalku  gacanta ugu jirto Qoyska Al-Thani Kuna Dhaqanka Shareecadda Islamka Ayaana Awooda Ugu Badan La Galiyaa.

Caasimada Dalka Waa Doxa waa Magaalada Ugu Weyn Dalka Waxaana Dadka Ku Nool 60% Dadka Dalka Ku Nool, Waxa Macnaha Ereyga Dooxa uu yahay Geedkii Weynaa Waana Magaalo Xeebeed, Magaalada Doxa waxa La Aas-aasay Sanadku Markuu Ahaa 1825 Waxaa Horey Loo Oran Jiray Magaalada Al-Bidda, Magaaladaan Oo Aad U Dhisan Waa Meel Ay Ku Shaqayso Dawlada Qatar, Hay’addo Caalami Ah Iyo Xarumaha Warbaahinta Tv,Yada Al-Jazeera, Doxa Oo Dhawr Jeer Marti Galisay Cayaaro Caalami Ah Waxaa La Qorsheynayaa In Marka La Gaaro 2022 Lagu Qabto Ciyaaraha Koobka Adduunka Ee Xidhiidhka FIFA Maalgaliyo Haddii Ay Taasi Dhacdana Waxay Noqon Doontaa Magaaladii Carbeed Ee Ugu Horeysay Ee Koob Adduun Lagu Qabto, Taariikhda Dalka Qatar Dadka Yaaqaana Waxay Sheegaan In Dalkaani Uu Horey Uga Tirsanaan Dalka Baxreyn Intii U Dhaxaysay Sanadihii 1783 Illaa 1868 Ingiriiskuna Waxaa Uu Qabsaday Sanadkii 1916 Waxaana Uu Haystay Illaa 1971, Dawlada Dalka Qatar Ka Jirta Waa Dawlada Siyaasad Fur Furan Waxaana Lagu Xagliyaa Inay Bah Wadaag La Tahay Dawladaha Gacanka Khaleejka Ee Ku Xayndaaban Iyo Dawladaha Reer Galbeedka Oo Ay Saaxiib Dhaw La Tahay, Dadka Dhaliila Siyaasadda Dawlada Qatar Waxay Ku Sheegeen Inay Tahay Meesha Lagu Fur Furo Siyaasadda Ururada Danaha Reer Galeebka Caqabada Ku Ah Waana Dawlada Saaxiib La Ah Dawladaha Carabta Badankood, Reer Galbeedka Ururo Ay Ka Mid Yihiin Taliban, Al-Qacida Iyo Shaqsiyaad Si Weyn Loo Doon Doonayo Oo Mararka Qaar Ay Magan Galyo Siiso.

Dalka Qatar Waxaa uu kamid yahay Wadamada Gacanka Khaliijka Ee Dhanka Ciidamada Tayada Badan Ka Leh Waxaana Askarta Dalka Qatar Lagu Qiyaasaa 11,800O ( Army) Ciidanka, Sideed Kun Iyo Shan Boqol Oo Ka Mid Ah Waa Ciidamada Badda(Coast Guard)  Halka 1,800 Ay Ka Ka Tirsan Yihiin Ciidamada Circa(Air Force.)  , Dhanka Dhaqaalaha Dalkaan Waxaa Uu Ka Mid Yahay Wadamada Dunnida Ugu Taajirsan Waxaana Dadka Wadanka Lagu Sheegaa Inay U Badan Yihiin Million Neero, Dhaqaalaha Ugu Badan Dalkaan Waxaa Uu Ka Helay Shidaalka Waxaana Maalintii Ceelasha Shidaalka Qatar Laga Soo Saaraa In Ka Badan 15 Billion Oo Barmiil Oo Shidaal Ah, Heerka Shaqo La’aanta Dalka Waxaa Lagu Qiyaasaa Wax Ka Yar 1% Ruux Inuu Shaqo La’aan Yahay Sidaasoo Ay Tahay Hay’adaha U Dooda Xaquuqda Aadanaha Waxay Dawlada Ku Eedeeyaan Inay Shaqaalaha U Dirto Shaqo Adag Oo Aysan Qaban Karin Dhaqaalo Yarna Ay Siiso,

Dhanka Diinta Dalka Waa Dal Muslim Dadkiisana Waa Muslimiin Sunniyiin Ah , Qiyaastii 5 Illaa 15 % Dadka Qatar Ku Nool Ayaa La Sheegaa Inay Shiico Yihiin, Dhamaan sharciga Dalka Waa Mid Salka Ku Haya Shareecadda Islamka Xukuumadda Ayaana Fulisa. Xagga Dhaqanka Waxay Dadka Qatar La Mid Yihiin Dadka Dega Wadamada Carabta Raggu Waxay Ku Labistaan Qamiisyo Iyo Cimaamado Oo Dhaqan U Ah Dumarkuna Waa Ay Xijaabtaan, Dumarka Looma Ogola Inay Kaligood Safari Galaan Gaadiidna Ma Kaxeyn Karaan, Cunnada Ay Cunaan Dadka Qatar Waa Raashinka Xalaasha Ah Ee Diinta Islamku Ogoshahay Waxaana Ay Dhaqan Ahaan U Cunaan Bariiska, Hilbaha Xoolaha Iyo Raashinka Badda Laga Soo Saaro Caanaha Lo’da Ayaana Aad Looga Cabaa Dalka Qatar, Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Dalka Qatar Waligiis Kuma Guulaysan Koob Addun Heer Wanaagsana Kama Gaarin Laakiin Haddana Waxay Ku Horeeyaan Ciyaaraha Kale Oo Ay Ka Mid Yihiin Orodada, Basketka Iyo Dabaayasha Ayay Aad Ugu Horeeyaan Cayaartoyda Dalka Qatar, Cayaaraha Fardo Fuulka Iyo Tartamadooda Ayay Dhaqan Ahaan U Cayaaraan Dadka Qatariyiinta Ah.

Waxaa Diyaariyay Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi

Advertisement

Ku Xayeysiiso