Xaflad lagu Taageeray Musharaxnimadda Xildhibaan Saleebaan Yusuf Cali Koore oo U Taagan , Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo ka dhacday Magaalada london

XAFLAD LAGU TAAGEERAYEY MUSHARAXNIMADDA XILDHIBAAN SALEEBAN YUSUF CALI KOORE OO  U TAAGAN . XILKA GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA  OO KA DHACDAY MAGAALADDA LONDON.

London , June 5, 2017:  Xafladan oo qaban-qaabadeeda lagu mashquulsanaa todobaadyadii la soo dhaafay ayaa u dhacday si aad u xiiso badan , laguna tilmaamay Xafladihii ugu qaalisanaa uguna xiisaha badnaa ee Jaaliyadda Somaaliland ee dalkan Ingiriisku tageero oo isku dhan ay soo bandhigto, sidoo kale ka dhigaysa xafladii ugu tiradda badnayd ee dad intaa leeg ka soo qayb galaan  . Xafladda oo si rasmi ah loo bilaababay saacadu markii ay ahayd 7:30pm wakhtiga magaalada London, Waxaa Goobta ay ka dhacaysay la moodayay mid ka mida kullamadii lagu qaban jiray Guddaha dalkeenii Hooyo , yacni dadkii ka soo Qayb-galay tiradooda iyo farxada ka muuqatay wajiyadooda iyo sida xiisaha badan ee ay uga raali-noqdeen . Xafladda Tageeradda loogu muujinaayo   Xildh. Salebaan Yusuf Cali Koore .

Xafladda ayaa waxaa ka qayb-galay Jaaliyadda S/land ee London iyo Nawaaxigeedda Sida Masuuliyiin Sar-Sare oo ayidsan Musharaxnimadda Jagadda Golaha Wakiiladda RT.HON. SALEEBAN YUSUF ALI KOORE.Kuwaasi oo isagu jirey: Waxgarad, Siyaasiyiin,Ganacsato iyo dhalinyaro ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda London iyo Nawaaxigeedda. Waxay ay ku Tageereen Md, Xildhibaan Salebaan Yuusuf Cali Koore. Musharaxnimadiisa inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka JSL. Una rajeeyey inuu ku guuleysto insha.alaah Gud. Barlamaanka S/land ee la Dooran-doono Sanadkan 2017-ka.

Ugu horeyn waxaa Barnaamijka lagu furay Aayadaha Quraanka , Aayada Quraanka kariimka ah ka dib . waxaa la guda galay qaybihii kale ee xaflada .Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiye : Md. Rashiid Cabdilaahi Macalin oo  munaasabada ugu horeyn ka hadlay .waxa uu ka waramay Xildhibaan Salebaan khibradiisa shaqo , isagoo Gudoomiyuhu  ku tilmaamay in sanado badan . ka soo tirsanaa Dowlada Somaliland gaar ahaan ka qayb-qaadashaddii Nabadeyntii Dadka Somaliland uuna xilal kala duwan uu ka qabtayJSL  , wuxuuna sheegay in uu yahay nin khibrad iyo aqoon u leh shaqada dowladnimo iyo waajibka ka saaran Waddankiisa Somaliland.

Mar uu ka hadlayey Gud. Rashiid Maclain . ayaa sheegay inuu  ka qayb galay dhamaan Shirarkii Nabadaynta Somaliland . kuwaasi oo ay ka soo baxeen Go’aamo Siyaasadeed oo wax weyn ka taray Qaranimadda S/land . Sida dhismihii Guutaddii Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Booliiska ee ugu horeyey. Hawlgalkii Iyo Fullintii Dastuurkii Somaliland oo uu ka masuulad ahaan. isla-markaana Qayb libaaxle ka soo qaatay.

Dhianaca kale ayuu Gudooomiye Rashiid sheegay : xilal Qaran oo uu ka soo qabtay Somaliland  Sida :- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha . Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JSL ee Goboladda Bariga . Komishanka Ururadda Siyaasadda. Gudoomiyaha dib ufurista ururada siyaasada.Waxa kale oo uu hormood ka noqday:-  Shirar badan oo dhinaca nabadda ah.  Sida. Burco.Sheekh.  Awr-boogays, Ceel-Afweyn, Garadag Iyo Ceerigaabo

Gudoomiye . Md Rashiid Cabdilaahi Macalin waxa uu u Balan-qaaday Musharaxa in uu wax badan qaban-doono , Hadii uu ku guuleeysto kursiga Gudoomiyaha Baalamaanka uu hada ku tartamaayo, waxa uuna ka codsaday dhamaan xubnaha Barlamaanka Somaliland in ay ku taageeraan Xildh. Salebaan sidii uu u noqon lahaa . Afhayeenka Baarlamaanka cusub ee Somaliland ee la dooran-doono sanadkaan  dhammaadkiisa.

 Dhinaca kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Madaxdhaqameedka Qurba-jooga Somaliland Ugaas Haaruun oo isaguna  sheegay inuu Xildhibaan Salebaan yahay nin waayo-Araga. Aqoonyahana . Aragti Fogleh. Dad isku wadleh .kuna haboon Jagadaa uu Musharaxa u yahay ee Gud. Golaha Wakiiladda JSL. sababahaasi dartood aan u rajeynayno inuu Cod aqlabiyadda ku heli doono. Iyaddoo aanay jirin maanta cid kaga Mudan Xilkaasi Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda S/landayuu yidhi Ugaas Haruun .

 Qabanqaabiyihii Xafladda Qaaliga ah. Md Adan Cali Ducaale. oo isna ka hadlay. ayaa ugu horeyn wuxuu u Mahadnaqay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xafladan qiimaha leh , Isagoo sheegay Xildhibaan Salebaan Yusuf Cali Koore ayaa ah  ayuu  yidhi . xubin firfircoon oo la odhan karo.

Mudaddii ay Somaliland jirtay ee ku siman 26Sano . Waxuu ku hawlanaa ama waqtigiisa qaaliga uu Geliyey .siduu uga shaqeyn.lahaa Midnimadda iyo Horumarka Somaliland. waxaanuu ku hawlana sidii cidwalba oo ku abtirsata Somaliland ay danta guud si wadajir iyo midnimo looga wada-shaqeynlahaa . waxkastana lagu raadin lahaa midnimadda Somaliland meel kasta iyo xaalad kastaba.Taasi oo uu ka dhabeeyey Xildh. Salebaan Yusuf Cali Koore.

Masu’uliin kala duwanaa ee munaasabada ka hadlay. ayaa isna waxaa ka mid ahaa Gudoomiye Maxamed Ismaaciil Xaaji oo sheegay in ay taageersan yihiin . ayna ku garab taagan yihiin Xildhibaan Saleeban Yuusuf Cali Koore in uu  noqdo Afhayeenka Baarlamaanka Somaliland uuna u matalo dhamaan aqlabiyadda dadka Somaliland oo uu ka soo jeedo , Iyadoo oo la qiray in uu ka soo bixi- karo Masuulayadaasi.

Munaasabadaan ayaa ugu dambeeyntii lagu taageerayay Musharaxa Gudoomiyaha Barlamaanka 2017-ka .Iyadoo  jawi heer sare ah ku soo dhamaaday , waxaana dhamaan Qurba-jooga Ingiriiska ee Somaliland uu musharaxa Xildhibaan Saleeban Yuusuf Cali Koore uu ka helay kalsoonida ku aadan in uu matalo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, una shaqeeyo Waddankiisa.

Xildhibaan Saleeban Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL . waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu taagan yahay xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada . Marka Musharax Madaxweynaha Xisbiga Waddani Md.  Cabdiraxmaan Ciro uu is casilo. Xildhibaankan ayaa waxaa uu ka soo jeeda Deeganada Bariga Somaliland gaar ahaan Gobalka Sool.

Adan Yusuf Elmi.

London/Uk

 


 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso