Daawo: Shirkii Gudiga Fulinta Oo Qabsoomay Iyo Go’aamada Kasoo Baxay Isku badal lagu sameeyey Wasiirada DDSI

Jigjiga(Togaherer) Axad 4ta June 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga kaqabsoomay kulankii caadiga ahaa ee gudiga fulinta XDSHSI oo mudo sadex bari ah usocday.

Hadaba kulankan oo lagaga wada hadlayay sii adkaynta dhinacyada horumarka, Nabadgalyada iyo nidaamka maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saarayay qorshaha sanadka cusub ee 2010TI iyadoo xooga lasaarayo baahiyaha bulshada ee gaar ahaan dhanka biyaha oo qorshe ahaan loo qaatay in 1 ilaa 3 ay noqdaan biyo si baahida bulshada ee dhanka biyaha guud ahaanba loo daboolo iyo waliba dhinacyada Jidadka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha.

Waxaa kale oo uu gudigu kulankiisan caadiga ah kaga wada hadlay Sidii xoolo loogu gadi lahaa dadkii danyarta ahaa ee ay abaartu saamaysay xoolahooda iyo sidii looga gaashaaman lahaa hada kadib abaarta ay keentay isbadalka cimilada aduunka ee soo noq-noqonaysa iyo waliba sidii nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah looga dhigi lahaa mid dagan oo xoolo-dhaqato beeralay ah iyadoo ladoonayo in xoolaha loo dhaqdo nidaamka casriga ah ee cad iyo caanaba kordhinaya iyo sidii ay bulshada deegaanku unoqon lahayd mid kafaaiidaysata waxsoosaarka dhulka dihin ee deegaankeena.

Dhanka kale gudiga fulinta ee XDSHSI ayaa isku-badal kusameeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta xafiisyada heer deegaan iyadoo ay xafiisyada kale sidoodii yihiin. Waxaana loo dhigay sidan:

1. Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ahayd madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI waxaa loo badalay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI iyadoo wasiirkii hore ee xafiiskan horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga ee DDSI marwo Faadumo Cabdulaahi Takhalna loo magacaabay xafiis kale.

2. Marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ahayd wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSIwaxaa loo badalay wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI.

3. Mudane Axmed Maxamed Koore oo ahaa wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee DDSI waxaa loo badalaywasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI.

Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo gabagaboobey jawi wanaagsan iyo sidii loo sii xoojin lahaa shaqooyinka horumarineed, kuwa nabadgalyo iyo nidaamka maamulka suuban ee ku astaysan qorshayaasha sanadka cusub ee 2010TI uu XDSHSI dhigtay

Advertisement

Ku Xayeysiiso