Daawo: Booliska Britain ayaa shaaciyey magacyada iyo sawirada labo ka mid ah sadexdii nin ee weerarka ka geystay magaalada London dhowr habeen ka hor.


Raggan ayaa weerar loo adeegsaday gaari dad jiirsiiyey iyo Toorey ka geystay magaalada London iyagoo dilay todoba ruux halka ay dhaawaceen ku dhowaad konton kale.

Booliska ayaa  ku sheegeen ninka koowaad Rachid Redouane oo 30 sano jir ahaa asalkiisuna yahay Moroccan-Libyan.

Ninka labaad ee ka qeyb qaatay weerarkan ayaa isna magaciisa lagu sheegay Kuram Butt oo ah 27 jir kasoo jeeda dalka Pakistan, iyadoo boolisku aysan weli shaacin xogta ninka saddexaad.

Raggan ayaa waxaa toogtay Booliska intii uu socday weerarka ay ku qaadeen dadweyne ku sugnaa buundada magaalada London, iyagoo la dhacay tooreeyo iyo gaadiid si ula kac ah dadka loo jiirsiiyey.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso