FAALLO :Boqortooyada Sucuudiga . UAE iyo Bahrin oo Dalka Qatar xidhiidhka u jaray .

Dhibaatooyin iyo khilaafaad siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay dalalkii Khaliijka carabta ee gacanka patroolka .

Khilaafaadkan oo muddo dheer soo jiitamaayay , ayaa iminka halkii ugu saraysay gaadhay , markii dalka Boqortooyadda Sacuudiga iyo dalka UAE iyo dalka Bahrain ay xidhiidhkii siyaasadeed u jareen dalka Qatar ee ay safaaradahoodii  xidheen iyo qunsuliyadihii u joogay dalka Qatar .

Weliba ay hawada  cirka ka xidheen iyo xuduudihii dhulkaba , arintan oo ah mid aad iyo aad ugu xun xidhiidhkii wanaagsanaa ee dalalka Khaliijka ka dhexeeyey .

Waxaanay arimaha ugu waaweyn ee laysku hayo ka mid ah , markii  todobaadyadii ina soo dhaafay ay warbaahinta dalka Sucuuciga iyo UAE ay hawada iyo warbaahinta weerarro qaawan isku dhaliileen iyo warar aad ay isugu canbaaraynayaan in ay dalka Qatar taageerto ururo islaamiya oo argagixiso ah .

Waxaanay dalka Qatar ku canbaareeyeen in ay ka baxeen , heshiisyadii ay wada galeen bishii hore dalal badan oo ku wada shiray dalka Sucuudiga , kolkii uu halkaa tegey madaxweynaha USA , .

Waxaana dalka Sucuudiga uu doonayaa in aragtidiisa iyo siyaasaddiisa uu ku qasbo dalalka carabta iyo islaamka-ba ,

kolkii uu ku guulaystey in uu dalkiisa isugu keeno 54 dal oo carbeed iyo Islaam ah , oo uu soo horfadhiisiyey madaxweynaha USA , isaga oo dalka Sucuudiga sheeganaaya in uu ka mas uul yahay , oo raali ka wada yihiin siyaasdda dalka Boqortooyada Sucuudiga .

Dalka B . Sucuudiga oo 40 sano ee ina soo dhaafay lagu yiqiinay in uu aasaasay oo uu maal gelin jirey ururada islaamiga ah ee xagjirka ah ee caalamka oo dhan kala jooga .

Markii uu arinku noqday in ay ururadaasi soo fara geliyaan siyaasadda qoyska reer Alsacuudna , uu bilaabay in uu la dagaalamo oo uu ku qasbo dawladaha kale in la cuno qabateeyo .

  1. Sacuudiga oo dhawaan 460 Billion oo US Dollar oo hub ah la saxeexatay in ay dalka USA ka iibsnayso , oo isaguna dalka USA uu ka taageero B.Sacuudiga in ay gacan ka siiyaan la dagaalanka waxa uu dalka Sucuudiga u arko in ay yihiin ururo argagixiso ah ,

halka ay dalka Qatar u aragto in ay arurka Ikhwaan Muslimiinka iyo ururka Xamaas ay yihiin qaar xaq u dirir ah oo aan dhibaato iyo cadaawad midna ku hayn dunida iyo dalalka Cradbta iyo Islaamka toonna .

Laaakiin dalka B.Sucuudiga oo iminka isu arka in uu yahay hoggaanka siyaasadeed ee caalamka Carabta iyo Islaamka , markii uu baaba ay dalkii Ciraaq iyo SYRIA iyo dalkii hoggaanka u ahaa dalalka Carabta ee Masar .

Waxaanu sameeyey dalka B.Sucuudiga isbahaysi ( taxaaluf) ciidan oo ka dagaalama dalka YEMEN oo  uu doonaayo in uu ugu hanjabo dalka IRAN ee noqday iminka awoodda qudha ee bariga dhexe ka talin karta .

Hadaba isbedello iyo daggaalo sokeeye ayaa u bilaabmay dalalka Khaliijka oo uu hoggaaminaayo B. Sucuudiga ee Wahaabiyadda doonaysa in uu dal kasta oo Carbeed oo Islaam ahi qaato , oo ku dhaqmo .

Hadaba B.Sucuudiga in badan ayey dunida Carabta iyo Islaamka ku maamulaysay dhaqaale iyo arimo qarsoodi ah , hadaba iminka awwod ciidan  ma kari kari doontaa in ay iskaga difaacdo dalkeeda iyo kuwa la jaarka ah .

B.Sucuudida oo doonaysa in ay la baratanto dalka iran ooay dhul balaadhsi ku samayso dalalka la deriska ah .

Hadaba waxa bilaabmay baad mooddaa in ay dhibaatooyin iyo burburka kala qayb qaadan doonaan B.Sucuudiga dalalka la jaarka ah .

B.Sucuudiga iyo dalka USE waxa u bilaabmay dhibaatooyin siyaasadeed oo dulmiga ay doonayaan in ay caalamka kale u geystaan , gudahooda ayuu dib ugu soo noqon karaa .

Dalka Bahrain waxa ka taagan rabshado iyo daggaal dhaa ifo oo Suunne iyo SHIICO AH ,

Dadka siyaasadda bariga dhexe faaleeyaa , waxay sheegaan in ugu danbeyn ay dalka Bahrain u gacan geli doonto ama ku biiri doonto ugu danbayn sanadka 2020 .

Dalka UAE iyo dalka KUWAIT iyo dalka QATAR-na in ay ku biiri doonaan edalka B.SUCUUDIGA ama uu qabsan doonno mustaqbalka . ilaa inta ka horeysa 2022 -ga .

Hadaba waxa bilaabmay isbeddel iyo khilaafaad iyo daggaalo hor leh oaan la garan doonin meesha ay ku dhamaan doonaan .

Maalmaha soo socda ayaa inoo kala caddayn doonna .

 

 

 

Cali Maxamed Biixi

caliwwelli@hotmail.co.uk

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso